Gaas oo liiday kaalinta Jarmalka ee dhismaha jidka Xarfo iyo Jalam

Image

GAROOWE, Puntland - Dowladda Puntland, ayaa war kasoo sartey go'aankii dowladda Jarmalka ay ku joojisay Mashruucii dhismaha jidka laamiga ah ee isku xira magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo, qaybtiisa u dhexaysa Jalam iyo Xarfo.

Mashruucii oo mudo dood ka taagnayd qaabka loo hirgelinayo ayaa gebi ahaanba  dowladda Jarmalka isaga baxday mashruuca, kadib markii maamulka Madaxweyne Gaas fulin waayay qodobadii iyo shuruudihii Heshiiska.

Hay'adda  GIZ, oo dowladda Jarmalka u qaabilsan dhanka horumarinta, islamarkaana usoo xil-saartey fulinta mashruuca dhisamah wadada Xarfo iyo Jalam oo ah mid hawlbowle u ah Puntland ayaa ka baxdey dalka.

War Saxaafadeedka kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Puntland kaasoo lagaga jawaabayo go’aankii dalka Jarmalka oo wakiil ka ah wadamadii bixiyey dhaqalahan ayaa lagu sheegay inuu ahaa mowqifkaan mid qoomamo iyo shaleyto uu ka muujinayo maamulkaan, iyagoo dalbaday in wadahadal laga sameeyo waxa keenay joojinta.

Sida ku xusan War-saxaafadeedka, maamulka Puntland ayaa Jarmalka ku tilmaamay dal kaalin yar ku lahaa maal-gelinta dhismaha jidka Xarfo iyo Jalam, waxaana uu amaan kala dul-dhacay Midowga Yurub oo dhameystir uga raadinayo mashruuca.

Jarmalka ayaa sabab uga dhigay go'aanka hufnaan la'aan iyo inaysan ku qancin sida howsha loo fulinayay, oo mad-madow iyo musuq-maasuq badan uu ka jiray, sida la sheegay taasoo keentay inay kusoo wadi waayaan mashruuca. [Halkan ka akhri warka]

Qoraalkaan Puntland kasoo baxey xilli Madaxweyne Gaas shir aan caadi aheyn oo golihiisa Wasiirda la qaatey todobaadkan, kaasoo kaga warbixiyey go’aankii maamulada xiriirka ugu jareen Dowlada Federaalka ayaa qoraal kasoo baxay lagu sheegey in wadadaan uu maamulkiisa dhisayo, iyadoo aysan waxba yeeleyn joojinta mashruuca ee dowlada Jarmalka.

Warsidaha GO oo heley xog ku saabsan kulankaas ayaa ogaadey in Madaxweyne Gaas u sheegey xukuumadiisa in dalka Jarmalka qayb yar ku lahaa lacagta lagu dhisayo Wadadaan, balse wadamada kale ee Midowga Yurub u balan qaadeen iney sii wadi doonaan howshaan, waa sida uu hadalka u dhigey.

Gaas ayaa ku sii darey hadalkiisa In tageero dhaqaale dhismaaha jidkaan uga raadin doono bangiga hurumarinta Africa.

Dalka Jarmalka iyo Farnsiisaka ayaa dalalka midowga Yurub waxay ku hogaamiyaan awood dhaqaale iyo mid siyaasadeed, waana kuwa ugu tunka weyn dhan walba.

Dhinaca kale, sida lagu arkey baraha bulshada sawiro ay soo dhigeen tageeraysaha Madaxweyne Gaas In 40-KM oo kamid ah 80km wadada isku xirta tuulooyinka Jalam iyo Xarfo lagu bilaabey in la saaro laami madow, oo aan tayo badan lahayn.

Dhaqdhaqaaqaan ayaa waxaa uu u muuqata Madaxweyne Gaas iyo Hay’adia jidadka Puntland [PHA] ku daboolayaan fadeexada mashruuca lagu dayactirayo wadada isku xirta Garoowe iyo Galkacayo ku joojiyey dalka Jarmalka.

Gaas oo muddo xileedkiisa ka sii dhamaanayo ayaa maamulkiisa waxaa uu noqdey midka ugu musuqmaasuqa badnaa tan iyo intii Puntland dhidibadan loo taagey 1998, mudo 20 sano kahor.

Qorshaha Gaas uu hadda laam-saarida ku billaabey wadada Xarfo iyo Jalam ayaa loo arkaa inay tahay mid siyaasadeysan, oo isaga baabi'inayo eedeymaha badan, ee loo soo jeediyay maamulkiisa.

Ma ahan markii ugu horeysay oo hay'ado ama dowalado joojiyaan mashruuc horumarineed, oo ka socday Puntland sababo la xiriira musuq-maasuq iyo balan ka bax tan iyo markii la doortay Madaxweyne Cabdiweli Gaas sanadkii 2004-kii.

HOOS KA AKHRI WAR-SAXAAFADEEDKA:

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM