Ku xigeenka Puntland oo diidey soo dhoweynta Madaxweyne Gaas [ Daawo]

Image

GAROWE- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamad Cali Gaas oo dib ugu soo noqdey magaalada Garoowe ayaa waxaa garoonka diyaardaha ku soo dhoweeyey gudoonka Barlamanka ( Gudoomiyaha iyo labada ku xigeen) iyo xubno ka tirsan golaha xukuumada.

Gaas ayaa saxaafada uga warbixiyey kulankii madaxda maamulada iyo dowlada Federaalka ah ku yeesheen Baydhabo kaasoo uu sheegey in heshiisyo dhaxal gal ah lagu kala saxiixdey.

Garoonka diyaardaha ee magaaalo madaxa Puntland ee Garowe ayaa waxa ka maqnaa Madaxweyne ku xigeenka Cabdixakiim Camey  iyadoo khudbadii lagu soo dhoweynayey Cabdiweli Gaas uu jeediyey Gudoomiyaha Barlamanka Axmad Cali Xaashi.

Farqiga siyaasadeed ee dhexeeya labada mas’uul ee u sareeya maamulka Puntland oo muddo labo bilood ku dhow aan si gaar ah iyo si guud u kulmin ayaa waxaa uu la xiriira is-fahan waa dhinaca, arimaha Khaliijka, dhaqalaha iyo colaada gobolka Sool  iyadoo mid-walba si ugu xiran yahay madaxda Villa Soomaliya.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa sida warsidaha GO ogaadey booqashadii Ergeyga gaarka ah uu ku yimid Garowe kulan uu kula qaatey guriga uu ka dagan yahay magaalo madaxda ku dacweeyey Madaxweyne Gaas.

Ergeyga ayaa sida wararku sheegayaan ka codudaaartey xalinta Khilaafka u dhexeeya labadaan mas’uul isagoo uu xusey in Garowe u yimid arimo kale ah ugu wayntahay colaada u dhexeysa Puntland iyo Somaliland.

Dhinaca kale Mudane Cabdixakiim Cameey oo dhowaan kasoo noqdey degmada Buhoidle ayaa ka gaabsadey inuu garoonka diyaardaha ku soo dhoweeyey Madaxweyne Gaas.

Madaxweyne Gaas ayaa sida aan wararku ku heleyno dooneyn xalinta Khilaafkaan iyadoo sida la ogsoon yahay mudadii Doorashada Puntland ka hartey 6 bilood oo kaliya.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Puntland oo martigelisay shirka la qeybsiga saameynta isbedelka cimilada

Kulankan ayaa qeyb ka ah mashruuca ay iska kaashanayaan Wasaaradda Deegaanka Soomaaliya iyo Hay’adda UNCDF.

  • Puntland

    08-05-2024

  • 09:32AM

Puntland oo qabatay Maraakiib waday kalluumeysi sharci darro ah

Doonyo, laashash iyo shaqaalahoodii ayaa kamid ah waxyaabaha kale ee gacanta lagu soo dhigay.

  • Puntland

    08-05-2024

  • 08:06AM