Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay xariga Boqor Buurmadow [Dhageyso]

Image

BOOSAASO, Puntland - Madaxweynaha dowladda Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali "Gaas" ayaa maanta oo Sabti ah u ambabaxay dalka Imaaraadka Carabta, kadib markii dhawaan uu joojiyay howlihii tababarka uu ka waday dalka Soomaaliya.

Isagoo Saxaafadda kula hadlayay Boosaaso, ayaa Madaxweyne Gaas wuxuu sheegay in safarkiisa oo qaadan doono mudo 4 cisho ah uu salka ku hayo arrimaha Ciidamada, gaar ahaan kuwa PMPF oo tan iyo 2011 ay gacanta ku hasay dowladda Imaaraadka.

Gaas ayaa tilmaamay in arrimaha Ciidamada Badda [PMPF] iyo horumarinta kaabiyaasha dhaqaalaha oo horey dowladda Imaaraadka uga wadey Puntland uu kala soo hadli doono madaxda dalka Imaaraadka inta uu booqashada ku joogo dalkaasi.

Safarka Madaxweyne Gaas ayaa ka dambeeyay casuumaad rasmi ah oo ka helay dowladda Imaaraadka, waxaana ku wehliya xubno katirsan dowladda Puntland. Halkan ka akhri Warbixinta.

Dhanka kale, Madaxweynaha ayaa ka hadlay xariga Boqor Buurmadow oo Ciidamada Somaliland ku xireen magaalada Hargeysa kadib markii uu ka qeybgalay Caleema-saarkii Beeldaaje Maxamed ee ka dhacday degmada Carmo ee gobolka Bari.

Madaxweyne Gaas ayaa cambaareeyay xariga Boqor Buurmadow, isagoo ugu baaqay Somaliland inay xuriyadiisa dib ugu celiso, islamarkaana ay ilaaliso karaamada madax-dhaqameedka Soomaaliyeed.

"Waxay ila tahay aniga runtii in Isimadu ay mudan yihiin karaamo iyo sharaf, inay mudan yihiin in la dhowro sharaftooda iyo cirdigooda, inaysan sax ahayn in nin tagey meel kamid ah dalkiisa la dhaho maxaad u tagtey," ayuu yiri Cabdiweli Gaas.

Hadalka Gaas ayaa kusoo beegmaya xili maanta damaanad lagu sii daayay Boqor Buurmadow, islamarkaana ay qorsheynayso Xukuumadda Somaliland inay kusoo dacwad kusoo oogto Oday dhaqameedka.

Somaliland ayaa ku eedeysay Boqor Buurmadow in khudbadii uu ka jeediyay Carwo wax ugu dhimay jiritaankeeda, isagoo ugu baaqay maamulka Muuse Biixi inuu Ciidamada kala baxo jiida hore ee dagaalka, gaar ahaan Tukaraq.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM