Madaxweyne Gaas oo qirey in Barlamanka Puntland la kordhiyo

Image

LONDON- Kadib markii muddo aabuuc ah ka hor soo baxeen warar sheegaya in madaxweynaha Puntland gudoonka Barlamanka ka codsadey in la kordhiyo tirada xildhibanada aqalka shacabka ayaa xaflad habeenkii xalay loogu qabtey magalaada London ka sheegey in arinkaas jiro.

Qoraalka Madaxweynaha Puntland uu horey ugu soo qorey gudoonka Barlamanka ayaa diirada saaryey in 6 qabiil uu ku cudsadey in 7 xubnood loogu daro xildhibaanada Puntland.

"Waxaan qoraal u gudbiyey Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland, waxaan ka codsaday inuu furo Baarlamaanka , si dadka ka maqan ee reer Puntland ay xubno ugu yeeshaan. wuxuu sheegayey in 50% ka maqanyihiin qabiilada.

dad badan ayaa ka maqan xitaa beelaha dhexdeeda , Majeerteenka dhexdiisa dad waa ku jiraan kuwana kuma jiraan, maxay ku dhacday , marka awal xal haday ahayd sidan hada xaq baan raadinaynaa .

Dadku makala fiicanyihiin waa maya? dadku hadii aysan cadaalad helin dadku haduu dareemayo mid inuusan wax kulahayn gurigaasi guri fiican maheyn, hada waxaa lahaydeen ku dayo Puntland ku dayo Puntland, waxaa ku dayanayso waa inay qurux badanyihiin, sowmahan.

Markaa qurbaha timaadeen waa dhadhamiseen takooridu waxaytahay , idinku safar baaba ku timaadeen halkan, laakiin anagu kuwii nala joogay miyaa inaan dulmino, marka taasi ah in qof walbo cadaalad helo waa wax muhim ah" ayuu yiri madaxweyne Gaas isaga oo xalay ka hadlaya xaflad jaaliyada Puntland ugu qabatey magalaada London.

Warar ka imaanaya Barlamanka Puntland ayaa sheegaya in gudoonka aqalka shacabka uu u diidey xildhibaanada Inuu soo bandhigo codsiga kaga yimid madaxaweyne Gaas arinkaas oo buuq weyn ka abuurey golaha dhexdiisa.

Codsiga Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamad Cali Gaas ayaa xeeldheerayasha sharciga waxay warsidaha GO u sheegeen iney tahay wax ka badalid Dastuurka Puntland kasoo tirada golaha aqalka golaha shacabka ay ku qoran tahay 66 xubnood.

Wax ka badalista Dastuurka Puntland ayaa waxaa qodobo ka tirsan Ana dib u eegney waxay sheegayaan sidatan: 

QODOBKA 98AAD
WAX-KA-BEDDELIDA DASTUURKA

1. Wax-ka-beddelka Dastuurka waxaa ka go'aan qaadanaya Golaha Wakiillada.

Marka ay soo jeediyaan 1/5 (shan meelood oo meel) xubnaha Golaha ama Xukuumadu, ama 5000 qof oo codbixiyayaal ah.

Marka hore, codbixintu waa (3/4) ee xunbnaha Golaha Wakiillda, marka labaadna waa sidoo kale.

Labo kalfadhi oo isku xiga ugu yaraanna bili u dhexayso ayaa Dastuurka wax looga bedeli karaa.

Qaybta 2aad
XEER-DEJINTA

Xubinta 1aad Golaha Wakiillada

Qodobka 60aad GOLAHA WAKIILLADA

Awoodda Xeer-Dejinta ee Puntland waxaa leh Golaha Wakiilladda oo matala shacabka Puntland oo dhan.

Inta laga helayo tiro koob sugan, Golaha Wakiilladu waxaa uu ka koobnaanayaa 66 xilldhibaan oo dadweynuhu ku soo doorto codbixin guud oo toos ah.

Muddada Golaha Wakiilladu waa shan (5) sano laga bilaabo maalinta natiijada doorashada lagu dhawaaqo. Xildhibaannada Golaha Wakiillada dib ayaa loo soo dooran karaa.

Golaha Wakiilladu waxa uu si rasmi ah hawshiisa u bilaabayaa soddon (30) maalmood gudahood, laga bilaabo maalinta natiijada doorashadu lagu dhawaaqo.

Qodobkaan ayaa waxaa uu ka horimaanayaa qoraalka Madaxweynaha Puntland sida tooska ah ugu qorey gudoonka aqalka kaasoo kaga codsanayo in tirada xildhibaanada la kordhiyo.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Puntland oo martigelisay shirka la qeybsiga saameynta isbedelka cimilada

Kulankan ayaa qeyb ka ah mashruuca ay iska kaashanayaan Wasaaradda Deegaanka Soomaaliya iyo Hay’adda UNCDF.

  • Puntland

    08-05-2024

  • 09:32AM

Puntland oo qabatay Maraakiib waday kalluumeysi sharci darro ah

Doonyo, laashash iyo shaqaalahoodii ayaa kamid ah waxyaabaha kale ee gacanta lagu soo dhigay.

  • Puntland

    08-05-2024

  • 08:06AM