​Prof. Juriile: Dowladda Somalia ha ka noqoto mowqifkeeda khuseeya Muranka Khaliijka [Dhagayso]

Image

GAROWE, Puntland- Prof. Cabdirasaaq Cismaan Xasan (Juriile), oo ah Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Dibadda, Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee golaha Aqalka Sare ee Barlamanka Federaalka Somalia, ayaa si faah faahsan uga hadlay muranka ka taagan waddamada Khaalijka.

Cabdirasaaq Juriile oo waraysi dheer islamarkaana dhinacyo badan taabanayay siiyay warbaahinta Radio Garowe isagoo ku sugan waddanka Ingiriiska xaruntiisa London, ayaa dowladda Somalia ugu baaqay inay ka noqoto mowqifkeeda khuseeya dowladaha Khaliijka gaar ahaan hardanka siyaasadeed ee u dhaxeeya Xulafada uu hogaamiyo Sucuudiga iyo Qadar.

Juriile, ayaa codsigiisa sabab uga dhigay in mowqifka hor yaalla dowladda Somalia ay tahay Labo daran mid dooro, sidaas darteed lagama maarmaan tahay in xukuumaddu la jirsato dhinaca Sacuudiga, isagoo tusaale u soo qaatay taageerada buuxday ee  dhinaca Amniga iyo xiriirka gacansi.

"Waxaan qabaa mowqifka dowladdu qaadatay in dib u eegis lagu sameeyo, waana sheegayaa sababta; Aniga Somalia ahaan khasaaro ayaa iigu jirta dhex-dhexaadnimo marka aan eegin tooda ee aan fiirsho danteena, Aniga Imaraadku Jaal ayuu nagula yahay la dagaallanka Argagixisada, waana ogtihiin Ciidan Kun iyo Dhowr-ka Boqol ah oo ay tababareen gacantana ku hayaan ee Bosaso jooga, maalin kasta kuwo ayaa Muqdishu tababar loogu soo xiraan, Ganacsatadeena ugu waaweyn ee Somalida ayaa jooga magaalada Dubai," Ayuu yiri Juriile.

Isagoo sii wata hadalkiisa wuxuu raaciyay, "Bal dhinaca kale eeg Sucuudigu imisa Neef oo xoolo ah ayaa uga dhoofa dekedaheena. maalin kasta"

Mar wax laga weydiiyay saamaynta Somalia uga imaan karta hadii ay la safato xulafada Sucuudigu hogaamiyo ee kasoo horjeeda Qadar, wuxuu yiri, "Dowladda Qadar amnigayga gacanta kuma hayso oo cabsi kama qabo, waxaana ka filan karaan inay dhaqaalo isiiso ama dib u dhiska iga taageerto, waana rabaa inaan taas helo, balse hadii aan dhinacaas taageero waa sax wexeeda way la laaban kartaa, laakiin khasaaraha yaa badan, waxaana ka hadlayo waa Labo Daran mid dooro, taas ayaana khasaaraha ku badan oo waxaa la qaataa inaan dhinaca Xulafada Sucuudiga Xigsado."

Profesor, Cabdirasaaq ayaa sidoo kale wax laga weydiiyay hadii Somalia ay kusii adkaysato mowqifkeeda waxyaabaha laga filan karo, isagoo sheegay in cabsida ugu badan tahay waddamada Imaaraadka, Sacuudiga oo joojiya taageeradooda ku aadan Somalia maadama aynaan u hiilin waqtigii ay baahida qabeen.

Maamullada ka jira dalka ayuu ugu baaqay inay ku biiriyaan taladooda Madaxda dowladda Federaalka isagoo ku baaqay in la ilaaliyo midnimada la muujiyay iyo sida wanaagsan ee dowladaha xubnaha ka ah Federaalka ay u ixtiraameen dowladda dhexe.

Wuxuu intaas ku daray in dowladdu wado la tashiyo ku aadan xalkeeda halka uu ku jiro, isagoo xusay in xalay ay kulmeen Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Madaxweyne Farmaajo, iyagoo isla soo qaadey khilaafka ka taagan Khaliijka.

Dhinaca kale wuxuu soo dhaweeyay Mowqfika Jabuuti ee ay hoos ugu dhigtay xiriirkeeda Qadar oo ku tilmaamay diplomaasid aan caadi ahayn.

Guddoomiyaha ayaa waraysigiisa oo aad u dheeraa sidoo kale ku falanqeeyay khilaafkan iyo xalka la filan karo, isagoo xusay in hadii waddamadan murankooda ay miiska wada hadalka la yimaadaan howsha dhinaca wanaagsan u dhici karto, balse hadii ay sii dheeraato xaalku khatar isu badali karo.

Ugu dambayntii Wuxuu tacsi u diray shacabka Puntland gaar ahaan dadkii waxyeelladu kasoo gaartay weerarkii lagu qaaday tuulada Af-urur ee gobolka Bari, isagoo codsaday in arrintaas oo aan horay uga dhicin Puntland baaritaan lagu sameeyo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo martigelisay shirka la qeybsiga saameynta isbedelka cimilada

Kulankan ayaa qeyb ka ah mashruuca ay iska kaashanayaan Wasaaradda Deegaanka Soomaaliya iyo Hay’adda UNCDF.

  • Puntland

    08-05-2024

  • 09:32AM

Puntland oo qabatay Maraakiib waday kalluumeysi sharci darro ah

Doonyo, laashash iyo shaqaalahoodii ayaa kamid ah waxyaabaha kale ee gacanta lagu soo dhigay.

  • Puntland

    08-05-2024

  • 08:06AM