Puntland: Sarakiisha QM oo ka baxdey xaflad ka socotey Carmo [Dahgeyso]

Image

11 October, 2015 (GO)- Xaflad maanta tababar loogu soo xirayey qaybo ka tirsan ciidamada Booliska Puntland oo ay ka qayb galeen saraakisha Booliska Federaalka iyo wasiirka amniga Puntland Cabdi Xirsi Qarjab ayaa waxaa isaga tagey intii aysan dhamaan saraakiil ka tirsan hay'adaha QM.

Munaasabadan oo lagu qabtey xarunta tababarka ciidamada Booliska degmada Carmo  ee gobolka Barri ayaa lagu casumey xubno ka tirsan hay'adaha Qaramada Midoobey kuwaasoo intooda badan fadhigoodu ahaa magaalada madaxda Puntland ee Garowe.

Saraakiishaan ka tirsan hay'adaha Qaramada Midoobey oo xafladaan fadhiyey iyagoo qaba qalabka xabada celiya ee loo yaqaan Bullet Proof ayaa ka cududaartey iney sii joogaan gabagabada munaasabadaan oo la filayey iney hadal ka jeediyaan madaama xilli dambe ay gaartey.

Warsidaha Garowe Online ayaa fahansan in saraakiisha QM u sheegeen xubnaha ka tirsana dowlada Puntland ee ku sugnaa xarunta tababarka Carmo iney xaruntooda ku taal magaalada Garowe rabaan iney dib ugu noqdaan inta qoraxdu aysan dhicin madaama amarkaas ku qabaan.

Hay'adaha Qaramada midoobey ayaa guud ahaan kor u qaadey heerka cabsida ay ka qabaan kalsoonida lagu qabi karo guud ahaan amniga Puntland kadib qaraxii lala beegsadey koox  ka tirsan shaqaalaha hay'ada UNICEF.

Talaabadaan ayaa ka careysiisey saraakiisha amniga dowlada Puntland iyadoo waji gabax noqotey talabadaan madaama halkaas ay ku sugnaayeen wafuud kale ee ka socotey ciidamada Booliska Federaalka.

Sarakiisha QM iyo darawaladooda waxey gabi ahaanba wateen qalabka xabada la isaga difaaco " Bullet Proof" islamarkaana waxay diideen iney joogaan gabagabada munaasabadaas oo ay hadal ka jeedin lahaayeen, taasoo waji gabax ku noqotey saraakiisha amniga ee xukuumada madaweyne Gaas madaama Puntland horey ugu faani jirtey iney ka amni wanaagsan tahay qaybaha kale ee Somalia" sidaas waxaa Garowe Online u sheegey qof ku sugnaa xafladaas oo magaciisa ka gaabsadey inuu sheego.

Haydaha Qaramada Midoobey ayaa hoos u dhigay howlihii mashaariicda ay ka wadeen degaanada Puntland kadib markii ay shaki ka muujiyeen kalsoonida lagu qabi in xukuumada madaxweyne Gaas ku filan tahay ilaalinta amaanka shaqaalahooda iyo guud ahaan amniga dalka.

Xukuumada Madaxweyne Cabdiweli Maxamad Cali Gaas ayaan baaritaan rasmi ah ku sameyn islamrkaana kasoo saarin warbixin rasmi ah oo ay ku qancaan hay'adaha QM qaraxii lala beegsadey shaqaalaha hay'ada UNICEF ee ku sugnaa magaalada Garowe 20 April,2015.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo dhowaan ka qayb galey xaflad lagaga hadlayey mashruuca JPLG ee horumarinta degmooyinka ayaa hay'adaha QM ku eedeeyey iney hoos u dhigeen howlihii shaqo ay ka wadeen Puntland islamarkaana dhumiyeen kalasoonida ay ku qabaan guud ahaan amniga magaalooyinka waaweyn ee Puntland.

Kalsoonida dhinaca sugida amni hay'adaha caalimga ku qabeen degaanada Puntland ayaa meel fiican joogtey tan iyo intii ka horeysay sanadkii 2014 iyadoo la arki jirey shaqaalaha QM oo socod ku maraya waqtiyada habeenkii magaalooyinka waaweyn ee Puntland.

GAROWEONLINE ayaa idiin soo gudbin doona warbixin ku saabsan sababta keentey in hoos u dhac ku yimaado amniga Puntland kasoo sababey iney hoos u dhacdo mashaariicda beesha caalamka ka qaban jirtey Puntland.

Related Articles

Puntland oo martigelisay shirka la qeybsiga saameynta isbedelka cimilada

Kulankan ayaa qeyb ka ah mashruuca ay iska kaashanayaan Wasaaradda Deegaanka Soomaaliya iyo Hay’adda UNCDF.

  • Puntland

    08-05-2024

  • 09:32AM

Puntland oo qabatay Maraakiib waday kalluumeysi sharci darro ah

Doonyo, laashash iyo shaqaalahoodii ayaa kamid ah waxyaabaha kale ee gacanta lagu soo dhigay.

  • Puntland

    08-05-2024

  • 08:06AM