Qalbi Dhagax oo sheegay inuu dhex-dhexaadinayo Puntland iyo Kooxaha Argagaxisada

Image

BOOSAASO, Puntland - Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax oo kamid ah xubanaha ugu sar sareeya Jabhadda ONLF oo maalmahan ku sugnaa magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in uu ka qayb qaato sidii kooxaha Al-shabaab iyo Daacish ee dagaalku kula jira Puntland uu xooga saari doono sidii nabad loogu yeedhi lahaa wada hadalna uu kala dhex dhigi doono kooxahaasi iyo dowladda Puntland hadii uu ogolaanshiyo uu ka helo dhinacyadaasi.

"Deegaankan aan joogno waxaa la sheegaa inay dagaal kula jiraan dowladda Puntland ururo sida Daacish iyo Shabaab, ee runtii waxaan jeclaan lahayn yacni illaahay markuu dadka sameeyey khilaaf markuu yimaado illaahay kitaabkiisa in loo noqdo ayaa illaahay ugu tala galay ee in lays dilo looguma tala galin yacni iyaga [Daacish iyo Shabaab] laftigooda aniga waxaan diyaar u ahay inaan qayb ka noqdo haday ogol yihiin iyaga iyo maamullada colaadda kala dhaxeysa inaan isu keeno" ayuu yiri Qalbi Dhagax.

Qalbi Dhagax ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in meesha ay joogaan kooxaha Al Shabaab iyo Daacish ugu tago, islamarkaana lasoo xaajoodo si uu heshiis u dhex-dhigo iyaga iyo Puntland.

Wuxuu xusay Qalbi Dhagax in muddo dheer uu kusoo guda jiray halgan xornimo doonka ah isla markaasna ay muhiim tahay in siyaasiyiinta, madaxda maamuladda, culimada Soomaaliyeed iyo waxgaradkuba ay ka shaqeeyaan in xal waara laga gaaro colaadaha u dhaxeeyey umadda Soomaaliyeed.

"Waxaan rabnaa culimadda, siyaasiyiinta, maamulka iyo waxgaradka umadda Soomaaliyeed in ay iyaguna xalka noocan oo kale ah raadiyaan xabad kuma kala rayn karno, anagaa xabad waligayo soo wadnay xabad laguma kala rayn karno" Sidaasi waxaa yiri Qalbi Dhagax.

Cabdikariin Qalbi Dhagax ayaa xusay in ujeedka safarkiisa uu salka ku hayo xalinta xaaaladaha haatan ka taagan gudaha Soomaaliya, isagoona xusay in Jabhadda ONLF uu ka yahay xubin isku haysa xilal kala duwan taas badalkeeda uu muhiimad gaar ah siin doono u adeegista shacabka Soomaaliyeed iyo dhex dhexaadinta kooxaha jihaad doonka ah ee ka jira dalka Soomaaliya.

Hadalka Qalbi Dhagax ayaa imaanaya xilli bishii July ee sanadkan dowladda Itoobiya Liiska Argagaxisada ka saartey Ururkiisa ONLF, oo kamid ahaa jabhadaha mudada dheer dagaalka kula soo jiray Xukuumadda Addis Ababa.

ONLF ayaa sidoo kale wadahadal kula jirta dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, oo Qalbi Dhagax sanadkii tagey u gacan gelisay Itoobiya, iyadoo dhawaan Asmara Farmaajo kula kulmay hogaanka sare ee Ururka, oo Muqdisho ku casuumay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM