XOG: Musuqmaasuq Wasaarada Arimaha Gudaha Puntland Ku Sameysay Mashaariic [Qaybta 1aad]

Image

Musuqmaasuq Iyo Maamul Xumo Saameeysay Mashruuca Diiwaangelinta Caruurta Reer Puntland

Wasaarada Arimaha Gudaha iyo dowladaha hoose ee Puntland waxaa waayadan halakeeyay musuqmaasuq baahsan oo sababay in hay'adaha la shaqeeya qaarkood ay ka joojiyeen lacagihii ay siin jireen. Waxaana tusaale fudud usoo qaadanaynaa arintan soo socota:- 

Wasaarada Arimaha Gudaha ayaa bilowday barnaamij loogu magac daray "Birth Registration Program" oo ay ka codsadeen UNICEF sanadkii 2015, markaas oo uu Maxamed Cali Faarax Farmayeeri ka ahaa Agaasimaha Guud. Maxamed Cali Faarax Farmayeeri ayaa dibuhabeyn ballaaran ku sameeyay Waaxyaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, isagoo sameeyay Qaybta Diiwaangelinta Caruurta oo aan horay u jirin. Sidoo kale, wuxuu isbedel ku sameeyay Waaxda Maamulka iyo Lacagta oo aan markii hore maamuli jirin lacagaha Waaxyaha D/hoose, Qaxootiyada iyo Barakacayaasha. Mr. Farmayeeri ayaa qoray codsiga (Proposal) mashruuca Diiwaangelinta Caruurta (Birth Registration) sanadkii 2015, waxaana loogu talagalay in Puntland loogu sameeyo nidaam ay ku diiwaangeliyaan caruurta dhalaneysa iyo wixii horay u dhashay si wadanku u yeesho nidaam diiwaangelin bulsho oo dhammeystiran (Civil Registration System). Iskudubaridka iyo maamulka mashruucan waxaa loogu talagalay inay wada yeeshaan Wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Qorsheynta, Caafimaadka iyo Cadaaladda, halka fulinta mashruucan ay yeelanayaan qaybaha dad dhigista ee Degmooyinka, Cusbitaalada, MCH-yada iyo Maxkamadaha oo qolo waliba yeelanayso howl gooni, sida diiwaangelinta caruurta oo ay yeelaneyso Cusbitaalada iyo MCH-yada, diiwaangelinta dhimashada iyo furniinka oo ay yeelanayaan Maxkamadaha, sidaasna lagu sameeyo nidaamka dad dhigista Puntland (Civil Registration System).

Mashruuca oo kujira wadahadal (Negation process) ayaa xilka laga qaaday Mr. Farmayeeri bartamihii sanadkii 2016, waxaana mas'uuliyadiisa la wareegay Agaasimaha Waaxda Qorsheynta ahna u qaybsanaha Barnaamijka JPLG Mr. Maxamed Cali Nuur Juba, isagoo ka faa'iideystay isbedelkii wuxuuna ku sameeyay isbedel isagoo meesha ka saaray Qaybtii loo sameeyay iyo qaabkii mashruuca loo sameeyay.  

Mashruuca Diiwaangelinta Caruurta oo ahaa mid kamid ah mashaariicda ugu muhiimsanaa ee wadanka wax weyn u qaban lahaa ayaa waxaa halakeeyay nidaam xumo iyo weliba musuqmaasuq ballaaran oo sababay in dhammaadkii sanadkii hore la hakiyo lacagihiisii kadib baaritaan maaliyadeed (Audit) oo lagu sameeyay. 

October 11, 2017, waxaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Mr. Cabdullaahi Cali Xirsi Timacadde loo soo diray email rasmi ah oo lagu ogeysiinayo in lagu sameynayo baaritaan (Auditing), iyadoo UNICEF ay baaritaankaas u soo wakiilatay shirkad Kenyati ah oo la yiraahdo Baker Tilly Merali CPA (BTM) ayna baaritaankaas sameyn doonto wixii ka bilowda October 22, 2017, wuxuuna socon doonaa muddo 4 maalmood ah.  

 

Baaritaan dheer kadib, November 21, 2017 BTM waxay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arimaha Gudaha Mr. Maxamed Cali Nuur Juba usoo dirtay Warbixintii Baaritaanka (Audit Report), kana codsadeen inuu kasoo talo bixiyo qaybaha 5 iyo 6 ee Warbixinta. BTM waxay Warbixinta ku qortay qoddobadan soo socda:-

  1. In lacag dhan $ 213,720 ay UNICEF siisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha. 
  2. In lacag dhan 23,817 loo waayey wax warbixin ah. 
  3. In caddeyn ku filan loo waayey qaabka loo isticmaalay $ 6,437. 
  4. In guud ahaan qaabka lacag bixinta, kharashgarenta iyo weliba maamulka dhaqaalaha uu liito. 
  5. Warbixinta Baaritaanka BTM ayaa kula talisay UNICEF inay joojiso dhaqaalaha ay siiso Wasaaradda Arrimaha Gudaha inta laga soo cadeynayo lacagtaas iyo siday u baxday iyo weliba laga hirgelinayo tallooyinka ay bixiyeen. 

Agaasimaha Guud kama soo jawaabin codsigii BTM ee ku aadanaa inuu kasoo talo bixiyo Warbixinta Baaritaanka November 21, 2017. 

Decembe 6, 2017, BTM waxay Agaasimaha Guud Mr. Juba usoo dirtay xusuusin inuu kasoo jawaabo Warbixinta Baaritaanka isla maanta inta aan shaqada laga bixin. Kamana jawaabin Agaasimaha Guud codsigaas. 

December 7, 2017, BTM ayaa Agaasimaha Guud Mr. Juba usoo dirtay inaysan weli helin talo bixinta Warbixinta Baaritaanka, ayna soo waceen dhowr jeer oo uusan ka qaban lambarka. Waxayna u sheegeen haddeysan helin talo bixinta ugu danbeyn Isniinta inay Warbixinta daabici doonaan, waxayna ka codsadeen xafiiska UNICEF ee Garowe inay ku caawiyaan inay la hadlaan Agaasimaha Guud inuu kasoo jawaabo Warbixinta. 

December 14, 2017, BTM waxay u sheegtay Agaasimaha Guud inay soo waceen dhowr jeer, uusana ka qaban telefoonka, kana soo jawaabeyn codsiyada. Waxayna weydiisteen inay sidaas kusoo saaraan Warbixinta una gubdiyaan UNICEF. 

January 6, 2018, UNICEF ayaa soo dhexgashay waxayna email usoo oireen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, kana codsadeen in loo jawaabo BTM sida ugu dhaqsiyaha badan lagana dhigo arin muhiim ah. Agaasimaha Guud Mr. Juba kama jawaabin codsigaas iyo weliba kuwii kasii horeeyay midna, wuxuuna ka fureystay dhegaha. 

February 10, 2018 Hey'adda UNICEF oo Wasaaradda Arrimaha Gudaha kala shaqeysa  howlo badan oo muhiim ah ayaa Wasiirka Arrimaha Gudaha ka codsatay in Qaybta Diiwaangelinta Caruurta laga shaqeysiiyo oo loo magacaabo qof shaqadaas socodsiiya madaama ay markii hore ay kala shaqeynayeen Mr. Juba oo hadda noqday Agaasimaha Guud, aana isku wadi karin shaqadaas iyo weliba tan guud ee Wasaaradda. Laakiin, in qof loo magacaabo waxaa hor istaagay Agaasimaha Guud oo doonaya inuu isagu shaqsiyan howshaas u maamulo.

UNICEF waxay lacag usoo shubtay Wasaaradda Arrimaha Gudaha dhammaadkii sanadkii hore, kana codsatay in lasoo diiwaangeliyo caruur dhan 5,000 kana yar da'da 5 sano, ayna kala shaqeeyaan kooxaha tallaalka Wasaaradda Caafimaadka iyadoo loo daabacayo buugaag lagu soo diiwaangeliyo caruurtaas. Lacagta ay bixisay UNICEF waxaa loogu talagalay guud ahaan kharashka shaqadaas lagu soo qabanayo; baabuurta, shaqaalaha, kormeerada, habeen dhaxa, hoteelada iyo weliba lacagta dhalinyarada jaamacadaha ee xareynaya xogta lasoo ururiyey. 

Shaqadaan ballaaran waxaa hareeyay musuqmaasuq gaaray in lacagihii loogu talagalay la lunsado, dhalinyaradii shaqeynasay aan lasiin lacagtii ay ku shaqeynayeen ama lasiiyey lacago ka yar lacagihii loogu talagalay. Sidoo kale, waxaa cabasho keenay D/hoose sheegay in shaqadaas ay leeyihiin sida uu dhigayo Dastuurka Puntland iyo weliba Xeerarka D/hoose. 

Wejiga labaad oo ahaa in caruurtaas 5,000 ee lasoo diwaangeliyey loo sameeyo Shahaado Dhalasho (Birth Certificate) ayaa waxa galay buuq badan iyo cabasho ka timid D/hoose ee degmooyinka oo sheegay in shaqadaas ay mas'uuliyadaha D/hoose ayna tahay sharci darro in Wasaaradda dhexe maamusho arintaas. Waxaa sidoo kale shaqada daabacaada shahaadooyinka carqaleedayay shirkado doonaya inay qaataan qandaraaska daabacaadda shahaadooyinka dhalashada caruurta lasoo diiwangeliyey.


Cududaar: Warsidaha Garowe Online xogtaan waxaa u soo gudbiyey dad aad uga warhaya sida loo musuqmaasuqey mashaariicdaan, kadib markaan aragney cadeymaha la socda waxaan go'aansaney in aan u soo gudbino shacabka Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya. Ma sheegi karno arimo amniga la xiriira magacyada xubnaha warbixintaan sahley.

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM