Coronavirus oo haleelay soddon askari oo ka tirsan taliska AMISOM

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Illaa iyo haatan, 30 askari oo ka tirsan howlgalka nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ayaa laga helay safmarka Coronavirus, sidda uu ku waramay wargeyska afka dheer ee East African.

Sidda ku xusan warbixinta majaladda Todoba kamid ah askartaas ayaa u dhashay Burundi, 23-da kalena ay kasoo jeedaan Uganda. Dhamaantooda waxay ku sugan yihiin xerada Xalane oo ah fariisinkooda ugu weyn.

Wararka ayaa intaas ku daraya in ay jiraan askar kale oo lagu tuhunsan yahay cudurka, kuwaasoo baaritaano dheeri ah ay ku socoto.

Cabsidda laga qabo in ay sarre u kacdo tiradda ayaa aad u sareysa, wallow xaalad go'doon ah la geliyey saldhigga lana joojiyey gelitaankiisa.

Xalane waxay sidoo kale fariisin u tahay qaar kamid ah diblumaasiyiinta iyo safiiradda wadamadda caalamka u qaabilsan Soomaaliya.

Bishii lasoo dhaafay ayay ahayd markii kiiskii ugu horeeyay laga helay askari reer Uganda ah. Sidda ay xogta muujineyso, qaar kamid ah bukaanadda cusub waxay xiriiro ay la yeesheen askariga koowaad ee uu soo ritay.

Ciidamadda taliska Midowga Afrika ee AMISOM ayaa kasoo kala jeeda wadamadda kala ah; Ethiopia, Kenya, Djibouti, Uganda iyo Burundi.

Askarigii ugu horeeyay ee kamid ah howlgalka ee qaadey xanuunka ayaa lixdii bilood ee lasoo dhaafin ka bixin waddanka. Sidoo kale, wuxuu ka howlgalayey dekadda magaalada Muqdisho.

Guud ahaan Soomaaliya, tiradda kiisaska Covid-19 ayaa maraya 1054, waxaana u geeriyootay 48, iyaddoo ay ka caafimaadeen 118, sidda ku xusan warbixintii u dambeysay ee shalay kasoo baxday Wasaaradda Caafimaadka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM