Coronavirus oo haleelay soddon askari oo ka tirsan taliska AMISOM

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Illaa iyo haatan, 30 askari oo ka tirsan howlgalka nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ayaa laga helay safmarka Coronavirus, sidda uu ku waramay wargeyska afka dheer ee East African.

Sidda ku xusan warbixinta majaladda Todoba kamid ah askartaas ayaa u dhashay Burundi, 23-da kalena ay kasoo jeedaan Uganda. Dhamaantooda waxay ku sugan yihiin xerada Xalane oo ah fariisinkooda ugu weyn.

Wararka ayaa intaas ku daraya in ay jiraan askar kale oo lagu tuhunsan yahay cudurka, kuwaasoo baaritaano dheeri ah ay ku socoto.

Cabsidda laga qabo in ay sarre u kacdo tiradda ayaa aad u sareysa, wallow xaalad go'doon ah la geliyey saldhigga lana joojiyey gelitaankiisa.

Xalane waxay sidoo kale fariisin u tahay qaar kamid ah diblumaasiyiinta iyo safiiradda wadamadda caalamka u qaabilsan Soomaaliya.

Bishii lasoo dhaafay ayay ahayd markii kiiskii ugu horeeyay laga helay askari reer Uganda ah. Sidda ay xogta muujineyso, qaar kamid ah bukaanadda cusub waxay xiriiro ay la yeesheen askariga koowaad ee uu soo ritay.

Ciidamadda taliska Midowga Afrika ee AMISOM ayaa kasoo kala jeeda wadamadda kala ah; Ethiopia, Kenya, Djibouti, Uganda iyo Burundi.

Askarigii ugu horeeyay ee kamid ah howlgalka ee qaadey xanuunka ayaa lixdii bilood ee lasoo dhaafin ka bixin waddanka. Sidoo kale, wuxuu ka howlgalayey dekadda magaalada Muqdisho.

Guud ahaan Soomaaliya, tiradda kiisaska Covid-19 ayaa maraya 1054, waxaana u geeriyootay 48, iyaddoo ay ka caafimaadeen 118, sidda ku xusan warbixintii u dambeysay ee shalay kasoo baxday Wasaaradda Caafimaadka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni: Kama Bixi Doono Muqdisho Ilaa Xal Kama Dambeys Ah Laga Gaaro Khilaafka Siyaasadeed

Hadalkaas ayaa imanaya xilli uu weli taagan yahay khilaaf u dhexeeya dowladda federaalka iyo qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada.

  • Soomaliya

    12-02-2026

  • 04:22AM

Dastuurka iyo Doodda Taagan: Is-bahaysiga Mucaaradka oo kordhiyay cadaadiska Villa Somalia

Madaxda Puntland iyo Jubaland, oo uu weheliyo Golaha Mustaqbalka, ayaa dalbanaya in shirka lagu qabto xerada Halane.

  • Soomaliya

    11-02-2026

  • 01:30PM