Doorashooyinka Soomaaliya ee sanadka 2020: Cabsida iyo walaaca

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Doorashooyinka 2020 ee Soomaaliya waxaa hummaag gelin kara dib u dhaca iyo ka go'aansho la'aanta soo noqnoqota ee dalalka daneeyeya Soomaaliya, inkastoo UN-ka iyo saamileyda siyaasadeed qaar ay bixiyeen yabooh.

Coddeyntan aadka isha loogu hayo ayaa waxaa durba karkarinaya xaalado siyaasadeed iyadda oo xisbiyadda ay xoojiyeen ololahooda ku wajahan in ay ku guuleystaan aqlabiyadda kuraaska.

Iyadda oo Qaramadda Midoobay ay taageertay nidaamka Horeeyaa guuleysta, xaqiiqadu waxay tahay in rabitaanka uu noqon karo "rajo lagu fekerey".

Guddiga baarlamaaniga ee diyaarinaya doorashooyinka ayaa soo uruurinaya aragtidda dadweynaha, iyaga oo isku dayeya in la helo sharci doorasho oo lawada ogol yahay.

James Swan, ergayga Qaramadda Midoobay ee Soomaaliya, ayaa Axadii la kulmay Guddiga Doorashooyinka Qaranka, iyagoo kawada xaajoodey diyaargarowga.

Saaxiibadda Caalamka ayaa, sidda uu tibaaxay Swan, waxay taageersan yihiin nidaamka "qof iyo cod" taas oo ay rumeysan yihiin "in ay hoos u dhigeyso fowdada ayna keeneyso isku helayn badan".

"Shalay, ergayga UN-ka ee Soomaaliya James Swan iyo daneeyeyaasha caalamka waxay xaqiijiyeen taageeradooda doorashadda hal qof iyo hal cod. kulanka waxaa ka qeybgalay Wasiirka Amniga Gudaha, Maxamed Abuukar Islow," ayaa lagu yiri qoraal lasoo dhigay barta Twitter-ka.

Gaabis

Inkasta oo yididiilo badan ka imaaneysa dhanka UN-ka, nidaamka "Horeeyaa guuleysta" wuxuu noqon karaa mid fashil ah, dalkana uma horseedi karto wax isbedel ah.

Sanadkii 2012-kii, Qaramadda Midoobay ayaa taageertay nidaamkan, balse dalka wuxuu ku guuldareystay in uu hirgeliyo.

Iyaddoo la qaddarinayo, UN-ka ayaa waqtigaas taageerey dowladda, taas oo ahayd faragelinta rajada dadka.

Falanqeeyeyaasha ayaa sheegaya in UN-ka "ka gaabiyey" inuu dowladda ku cadaadiyo in ay buurto jawi nabad ah, tirokoobka dadweynaha, ayna dhameystirto Dastuurka si loo xaqiijiyo yoolka ajedanaha doorasho "qof iyo cod".

Cabdisalaam Salwe, xoghayihii joogtadda ee xafiiska Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, ayaa sheegay in qorsheynta nidaamka Horeeyaa guuleysta aysan xoog lahayn, isaga oo raaciyey "waa mid aan la gaari karin".

"Xitaa hadii muddo kororsi laysku raaco waa carab-laalaadin, tani waa mid aan la gaari karin oo aysan macquul ahayn," ayuu Twitter-ka ku yiri.

Iyadda oo 2020 soo dhawdahay, kacsanaanta siyaasadeed-na cirka isku sii shareereyso, dhaqangelinta Dastuur cusub waa mid aad kaga fog maanka.

Muddo kororsi

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, hogaamiyaha xisbiga Wadajir, ayaa meesha ka saarey suurta-galnimadda doorashooyin "qof iyo cod ah", isaga oo ku doodaya in balan-qaadka aan macquulka ahayn loogu gogol-xaaranayo muddo korarsi.

Qoraal uu Axadii soo dhigay Twitter-ka ayuu ku yiri: "Qof kasta oo soo dhaweynaya fekerka ah doorashooyin qof iyo cod ah ayaa dhici kara 2020 wuxuu dhabaha u xaarayaa muddo kororsi".

"Waa in aan wajahnaa xaqiiqooyinka, islamarkaana isugu imaanaa wada xaajood si aan ugu heshiino nidaam-horumarsan oo doorasho, waafaqsannna Dastuurka oo lawada ogol yahay, waqtiyeysan," ayuu hadalkiisa raaciyey.

Guddiga Doorashooyinka ayaa wajaheya caqabado adag sanadka dambe, maadaama aanu jirin sharci doorasho oo la meelmariyey.

Qoraal uu Guddiga baahiyey Axadii ayuu ku xaqiijiyey kulanka ergayga Qaramadda Midoobay. UN-ka waa mid kamid ah deeq-bixiyeyaasha ugu weyn dalka Soomaaliya.

Sharciga doorashooyinka

Bishii hore, Golaha Ammaanka ayaa soo dhaweeyay balanqaadyaddii dowladda Soomaaliya ku sameysay Shirkii Daneeyeyaasha Soomaaliya ee ka dhacay Muqdisho, kaasoo loogu baaqay madaxda Villa Somalia inay ka shaqeeyaan ansixinta Sharciga Doorashooyinka kahor inta uusan dhamaan 2019.

Sidoo kale, Goluhu wuxuu bogaadiyay doorka Guddiga Doorashooyinka ee diyaarinaya doorashadda, wuxuuna hoosta ka xariiqay baahida loo qabo in la diyaariyo Ciidamada Ilaaladda Doorashooyinka oo si deg-deg ah.

Iyagga oo la cuskanayo aragtiyo lasoo uruuriyey, Guddiga wuxuu xusay, in nidaamka Horeeyaa guuleysta, si wadar ogol ah la isugu raacay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa wajahaya loolan adag oo ka imaanaya koox siyaasiyiin ah oo ku mideysan Madasha Xisbiyadda Qaran oo uu hogaamiyo Shariif Sheekh Axmed iyo xisbiga Wadajir, kuwaasoo walaac ka qabo inay dhacdo muddo korarsi.

Ka sokow qabashadda doorashooyin lagu kalsoonaan karo, waxaa jira walaac badan laga muujiyay faragelinta dowladda federaalka Soomaaliya ee arrimaha gudaha maamul goboleedyadda iyo khilaafka siyaasadeed ee ka jira dalka, taasoo caqabad ku noqon karta doorashooyinka soo socda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo shir ku casuumay madaxda maamulada xilli ay xiisad jirto

Casuumaadan ayaa imaanaysa saacado kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in maamulada soo saarayaan bayaan wadajir ah.

  • Soomaliya

    17-04-2024

  • 04:28AM

Wasiirka cusub ee arrimaha gudaha Soomaaliya oo xilka la wareegay

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ahna Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha Salah Jama ayaa goobjoog ahaa munaasabadan.

  • Soomaliya

    16-04-2024

  • 12:07PM