Farmaajo oo u ambabaxay Sacuudiga [Akhri Ujeedka Safarkiisa]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa saaka oo sabti ah u ambabaxay dalka Sacuudiga.

Wafdiga Farmaajo oo ay kamid yihiin Wasiirro, Xildhibaano labada aqalka ee Baarlamaanka katirsan iyo Mas'uuliyiin ayaa ka duulay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, iyagoo kusii jeeda magaalada Riyadh.

Ujeedka safarka Farmaajo ayaa ah inuu ka qeyb gelo shir madaxeedka 29aad ee dalalaka ku midoobay Ururka Jaamacadda Carabta, kaasi oo maalinta berri ah [15-ka April] ka furmi doono Riyadh.

Wafdiga kale oo uu hogaaminayo Wasiirka arimaha dibeda Axmed Ciise Cawad ayaa horey ugu sugnaa Riyadh isagoo ka qeyb galay shirka wasiirada arrimaha dibadda dalalka Carabta ee hordhaca u ahaa shir madaxeedka berri furmaya.

Wararka Warsidaha Garowe Online uu helayo ayaa sheegaya in Farmaajo inta uu joogo Riyadh la kulmi doono Boqor Salman iyo Amiiro kale oo ka socda dalalka Khaliijka ee daneeya arrimaha Soomaaliya.

Safarka Farmaajo ee Sacuudiga ayaa kusoo beegmaya xilli uu si weyn u xumaday xiriirka dowladdiisa ay la leedahay Imaaraadka kadib markii Garoonka Muqdisho lagu qabtey lacag ku socotay Ciidamada dalka.

Xukuumadda Soomaaliya oo mudooyinkii dambe u muuqata mid u janjeerta dhinaca Qadar ayaa sheegtay in lacagta lagu qabtey Axadii lasoo dhaafay Garoonka ay ka shakisay islamarkaana ay baarayso.

Lacagtan oo cadadkeedu ay Wasaarada Amniga ku sheegay $9.6 Million [Sagaal Milyan iyo Lix Boqol oo Kun oo Doolarka Mareykanka], ayaa meel sare gaarsiisay xiisadda diblomaasiyadeed ee u dhaxaysa dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka.

Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Jeneraal Cabdiweli Jaamac Gorod ayaa cadeeyay in lacagta ka timid Imaaraadka ay horey u imaan jirtay dalka, islamarkaana uusan garanaynin sababta keentay in markan la baaro. Halkan ka akhri Warka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM