Mareykanka oo Duqeyn ka fuliyay nawaaxiga Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliska Ciidamada Mareykanka ee Africa [AFRICOM], ayaa sheegay in ay weerar dhanka cirka ah ay ka fuliyeen 27-kii bishan duleedka magaalada Muqdisho, ee caasimadda Soomaaliya.

War Saxaafadeed kasoo baxay AFRICOM, oo nuqul kamid ah uu helay Warsidaha Garowe Online ayaa lagu sheegay in duqeynta oo ka dhacay meel qiyaastii 40-KM dhanka Koonfur Galbeed uga beegan Muqdisho lagu dilay saddex katirsanaa Al-Shabaab.

Qoraalka ayaa waxa kaloo lagu sheegay in howlgalkan ay la kaashadeen dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, islamarkaana aysan jirin wax khasaaro ah oo shacabka kasoo gaarey.

Ciidamada Mareykanka ayaa saldhig ku leh degaanka Balli-doogle ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasi oo ay inta badan ka qaadeen duqeymaha iyo weerarada ka dhanka ah Al-Shabaab.

"Ciidamada Mareykanka waa ay sii wadi doonaan howlgallada lagu difaacayo Muwaadiniintiisa, sidoo kalena lagu wiiqayo khatarta argagaxisada, iyagoo kaashanaya Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya," ayaa lagu yiri qoraalka.

Madaxweyne Trump ayaa March 2017, wax yar kadib markii uu talada qabtay ayaa bixiyay amar lagu kodrhinayo duqeymaha ka dhanka ah Al-Shabaab, waxaana ay ciidamada dalkiisa fuliyeen ina iyo sanadkii tagey in ka badan 60 weerar.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Muqdisho oo xiray dhalinyaro lagu eedeeyay rabshado, mucaaradka oo cambaareeyay

Waxa uu sheegay in lix dhalinyaro ah loo xiray ka qeybgalka bannaanbax nabadeed ka dhacay magaaladda Muqdisho.

  • Soomaliya

    23-05-2026

  • 08:06AM

Dagaal ka dhacay duleedka Baydhabo oo u dhexeeyay ciidanka DFS iyo kuwo taabacsan Laftagareen

Laftagareen ayaa xilka laga tuurey 30-kii Maarso 2026, kadib toddobaadyo ay jireen ismariwaayo siyaasadeed iyo isku hor imaadyo militari.

  • Soomaliya

    22-05-2026

  • 11:28AM