Mareykanka oo Duqeyn ka fuliyay nawaaxiga Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliska Ciidamada Mareykanka ee Africa [AFRICOM], ayaa sheegay in ay weerar dhanka cirka ah ay ka fuliyeen 27-kii bishan duleedka magaalada Muqdisho, ee caasimadda Soomaaliya.

War Saxaafadeed kasoo baxay AFRICOM, oo nuqul kamid ah uu helay Warsidaha Garowe Online ayaa lagu sheegay in duqeynta oo ka dhacay meel qiyaastii 40-KM dhanka Koonfur Galbeed uga beegan Muqdisho lagu dilay saddex katirsanaa Al-Shabaab.

Qoraalka ayaa waxa kaloo lagu sheegay in howlgalkan ay la kaashadeen dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, islamarkaana aysan jirin wax khasaaro ah oo shacabka kasoo gaarey.

Ciidamada Mareykanka ayaa saldhig ku leh degaanka Balli-doogle ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasi oo ay inta badan ka qaadeen duqeymaha iyo weerarada ka dhanka ah Al-Shabaab.

"Ciidamada Mareykanka waa ay sii wadi doonaan howlgallada lagu difaacayo Muwaadiniintiisa, sidoo kalena lagu wiiqayo khatarta argagaxisada, iyagoo kaashanaya Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya," ayaa lagu yiri qoraalka.

Madaxweyne Trump ayaa March 2017, wax yar kadib markii uu talada qabtay ayaa bixiyay amar lagu kodrhinayo duqeymaha ka dhanka ah Al-Shabaab, waxaana ay ciidamada dalkiisa fuliyeen ina iyo sanadkii tagey in ka badan 60 weerar.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Saddex Walaalo Ah oo Ku Dhintay Weerar Ka Dhacay Gobolka Shabeellaha Hoose

Ilaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka degmada Wanlaweyn ama saraakiisha ammaanka ee gobolka, mana jirto cid loo qabtay weerarka.

  • Soomaliya

    23-10-2025

  • 07:19AM

Soomaaliya: Duqeyn Diyaaradeed oo Ka Dhacday Gobolka Shabeellaha Hoose

Tusaale ahaan, 13-kii September, nin oday ah oo lagu magacaabi jiray Cumar Cabdullaahi Cabdi ayaa ku dhintay duqeyn Mareykanku fuliyay.

  • Soomaliya

    22-10-2025

  • 06:55PM