Maxaa xiligaan kusoo beegay eedeynta NISA ee Haaruun Macruuf?

Image

WASHINGTON, US – Sirdoonka Soomaaliya ayaa eedeyn naadir ah u jeediyay wariye Haaruun Macruuf oo ka tirsan laanta afka Soomaaliga ee VOA-da kana mid ah qorayaasha buuga aadka loo iibsadey ee Inside Al-Shabaab.

Qoraal lasoo dhigay barta Twitter-ka ee NISA ayaa lagu sheegay in Haaruun loo haysto laba eedo oo kala ah; baalmarista anshaxa warbaahinta iyo in uu leeyahay xiriiro khatar ku ah amniga Qaranka.

Saxafiga fadhigiisu yahay Washington ayaanan wali jawaab rasmi ah ka bixin eedeyntaas, wallow uu taageero badan ka helay siyaasiyiin isugu jira kuwa xil haya iyo qaar soo qabtay iyo wariyeyaal.

Fahfaahinta waxyaabaha ay madaxda NISA dhibsadeen ee wariyuhu ku howlan yahay ama soo wado waxay kamid yihiin arrimaha ay is-waydiinayaan dadka shacabka ah ee ka falcelinaya xiisada.

"Warbixin dhul gariir ah"

Eedeynta hay'adda uu hogaamiyo Fahad Yaasiin Daahir, oo muddo dheer wakiil-wareed u ahaa Al Jazeera Tv, ayaa timid xili Haaruun Macruuf uu ka dhawaajiyey in uu soo wado "xogo caddeymo leh".

Jacfar Kuukay, oo kamid ah howlwadeenada VOA-da laanteeda Af Soomaaliga, ayaa holac kusii shiday dooda kadib markii uu xaqiijiyey in ay dhowaan baahin doonan warbixin "dhul-garii ah".

Balse, wuxuu u muuqday mid ka gaabsaday in uu kasii horudhaco mawduuca ay ku saabsan tahay sheekada ay soo wadaan.

"Waxaan la socdaa in todobaadyadanba ay socoto diyaarinta warbixin DHUL-GARIIR ah, oo dhageystayaasha u iftiimin karta wax badan oo muhiim ah oo ka daboolan, xaqiiqda dhabta ah ee dad badanna ay ku baran karaan. Tolow ma laga sii war helay," ayuu kusoo qoray Facebook.

Siyaasiyiinta

Axmed Macalin Fiqi, oo ka tirsan Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka, ayaa naqdiyey eedeynta ay NISA u jeedisay saxafiga.

"Cidna aqbali mayso waana wax sharciga dalka ka soo horjeeda in awoodda dawladda loo adeegsado dadka mihnadooda sida xirfadaysan u gudanaya! Fariinta hanjabaadda ah ee hawada loo mariyey wariye Harun Maruf igalama duwan tii xildhibaanno hawl dastuuri gudanaya lagu tilmaamay qaran-dumisnimo sanadkii 2017!," ayuu soo dhigay baraha bulshada.

Yuusuf Garaad, wasiirkii hore ee arrimaha dibada haddana kamid ah barayaasha Jaamacada Umadda ahna gudoomiyaha guddiga qaban-qaabada caleema saarka hogaanka Galmudug, ayaa soo bandhigay su'aal.

"Haddii Hey’adda Sirdoonka ay Dowladdu ka adeejisay in ay u cagajugleyso weriye jooga Washington oo aad nooga fog, una shaqeeya Idaacad ay leedahay Dowladda Mareykanku, waa maxay damaanadda iyo xorriyadda ay sheegi karto in ay haystaan weriyayaasha dalka Gudihiisa jooga?," ayuu kusoo xiray qoraal dheer oo u muuqatay taageero uu Haaruun u muujiyey.

Haaruun Macruuf, mid kamid ah tafaftirayaasha VOA Somali iyo wariye diirada saara arrimaha ammaanka, ayaa ah soo saara barnaamijka Galka Baaris oo kusoo bandhigo xogo daahsoon isagoo wareysanaya dad kala duwan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Turkiga oo dhaqan-geliyay heshiis dhanka difaaca ah

Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa ka qeybgalay munaasabada lagu soo bandhigay fulinta heshiiskan.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 04:20PM

Turkiga oo markab dagaal weyn usoo diray xeebaha Soomaaliya

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu waddaa inuu ka qeybgalo xafladda soo dhaweynta markabka.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:42AM