Sarkaal boolis oo lagu khaarijiyey qarax ka dhacay magaalada Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Sarkaal ka tirsanaa ciidamada booliska Soomaaliya oo magaciisa lagu soo koobay Jaabiri ayaa lagu waramay in uu ku geeriyooday qarax gaarigiisa loogu xiray oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Goobjoogeyaal ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online ayaa in weerarka uu ka dhacay degmada Xamar-wayne gaar ahaan agagaarka Hotel Muna ama dhabarka dambe ee Barxada Iskaashatooyinka.

"Jugta qaraxa oo laga maqlay qaybo kamid ah xaafadaha degmadda wuxuu ka dhacay wadada horumarta Guriga Hooyooyinka. Ciidamo meesha yimid ayaa daqiiqado hakad geliyey isu socodka," ayay raaciyeen.

Fahfaahinta oo ay xaqiijiyeen illo wareedyo ka tirsan laamaha ammaanka ee dowladda federaalka ah ayaa waxay intaas ku dareysaa in dadka dhintay uu ku jiro askari kamid ahaa ilaalada sarkaalka.

Ma jirto koox illaa iyo haatan dusha saaratay masuuliyadda falkaas, balse xoogaga Al-Shabaab ayaa aalaaba weeraro noocaan ah ka fuliya qaybo kamid ah koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Labadii todobaad ee lasoo dhaafay xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ayaa ku fashilmay isku day ku doonayeen in ay ku khaarijiyeen Cali Gaab, taliyaha hogaanka caafimaadka ee Booliska Soomaaliya.

Cali Gaab ayaa wuxuu shirqooladaas loo maleegay ku waayey qaar kamid ah ilaaladiisa. Sidoo kale, waxaa dhacdooyinkaas ku geeriyooday dad shacab ahaa oo wadada marayey xilliga ay qaraxyaddu dhacayeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM