Waqtiga la shaacinayo shirkadaha soo saareya shidaalka Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in horaanta sanadka dambe ee 2021-ka ay shaacineyso shirkadaha ku guuleystay wareega koowaad ee ruqsadaha shidaal soo saaritaanka.

Todoba xirmo oo laga helay degaanada HirShabelle, Koonfur Galbeed, Jubaland iyo Galmudug ayaa laga soo saarayaa kheyraadkaas. Puntland oo qaadacdey hanaankan waxay uga digtay shirkadaha in ay iibsadaan.

Ibraahim Cali Xuseen, maareeyaha Hay'adda Batroolka Soomaaliya oo wareysigii ugu horeeyay siiyey wakaalada Reuters tan iyo markii la magacaabay asbuucii hore, ayaa xusay in shalay ay bilaabeen xaraashka saliidda.

Xuseen, oo lataliye u ahaa Wasaaradda Batroolka, ayaa tibaaxay in Covid-19 uu hakad geliyey wada-xaajoodyo ay kula jireen shirkadaha Shell iyo Exxon Mobil kuwaas oo ay dalka u taalo xuquuq ay horey u gateen.

Xuquuqdaas oo ah in ay iibsadeen xirmooyin shidaal kahor inta aysan dhicin dowladdii kacaanka ee uu hogaaminayey madaxweyne Siyaad Barre ayaa ah shan xirmooyin shidaal oo ah nooca laga helay dhanka badda.

"Hadi uusan jiri lahayn Coronavirus, waxaan isku raaci lahayn habka loo marayo, kadibna waxaan heli lahayn heshiiska dhamaadka sanadkan," ayuu yiri, isagoo u muuqda mid qiraya in ay qandaraaskaas u xayiran yihiin.

Wasaaradda Batroolka ayaa horey u xaqiijisay in daraasad la sameeyay lagu helay 15 xirmo shidaal, kuwaas oo ay ku jiraan 30 bilyan oo fuusto shidaal ah.

Inkasta oo shirkadda Exxon aysan wali ka jawaabin sheegashadda xukuumadda Muqdisho, afhayeen u hadlay Shell wuxuu tilmaamay in ay wadahadalo u socdaan, isagoo kalsooni ka muujiyey in ay noqdaan kuwa miradhala.

GAROWE ONLINE

Related Articles

 Xasan Sheekh: Mucaaradka ma leh aragti mideysan, waana kala jabay

Isaga oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Dhusamareb, caasimadda dowlad-goboleedka Galmudug.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 12:46PM

Ciidamada Puntland oo Calmiskaad ku dilay in ka badan 700 dagaalyahan Ajaanib ah 

Weerarka, oo billowday dabayaaqadii sanadkii hore, ayaa lagu sheegay inuu hoos u dhigay joogitaanka ISIS ee aaggaas ilaa 70%.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 06:50AM