Xilka Duqa Muqdisho oo halis ku jira iyo Odayaal difaacay [Daawo]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Odayaasha Muqdisho qaarkood ayaa kasoo horjeestay in xilka laga qaado Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed, oo khilaaf kala dhaxeeyo Madaxda sare ee dalka.

Kulanka ay xalay Muqdisho ku yeesheen Odayaasha ayaa waxay kasoo saareen bayaan xambaarsan fariin iyo digniin ay u direen Madaxda sare ee dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, gaar ahaan Farmaajo iyo Khayre.

Waxgaradkan iyo Odayaasha ayaa ka hadlay arrimo ay kamid yihiin amarkii kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha ee lagu joojiyay bixinta, kireynta iyo iibinta dhulka hantida Guud ee ku yaalla Caasimadda iyo Shir looga hadli lahaa aayaha Gobolka oo baaqday.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in Odayaasha iyo Waxgaradka dega gobolka Banaadir ay aad uga walaacsan yihiin qoraalka kasoo baxay shalay Xafiiska Madaxweyne ee ku aadan arrimaha dhulka ku yaalla Muqdisho.

Waxay sheegeen in go'aanka Madaxweynaha ee ah in Gudi uu xilsaarayo ilaalinta Hantida qaranka, gaar ahaan mida Muqdisho ay tahay mid lagu dhaawacayo sumacadda Gudoomiyaha gobolka Banaadir.

Waxay Odayaasha dhanka kale difaaceen Thaabit, oo ay ku amaaneen waxqabad intuu xilka hayay, gaar ahaan gurmadkii uu ka sameeyay qaraxii Zoobe, 14-kii October, 2017.

Sidoo kale, Siyaasiga dhawaan ay dowladda xirtay Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay ku naqdiyay go'aanka Madaxaweyne Farmaajo ee arrimaha Hantida qaranka, isagoo dhanka kale sifaacay Gudoomiye Thaabit. Halkan ka akhri.

Thaabit ayaa 7-dii bishan qorsheeyay inuu qabto shirweyne looga arinsanaayo matalaadda caasimadda iyo nabad galyadda laakiin waxaa ka hor timid oo diiday dowladda sida ay sheegeen waxgaradka.

Xariirka sii xumaanaya ee Thaabit iyo Villa Soomaaliya ayaa yimid kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in Maamulka gobolka Banaadir uu Dhul Hantida qaranka ah oo ku yaalla Muqdisho ka iibiyay Shirkad si gaar ah loo leeyahay. Halkan ka akhri.

Hoos ka akhriso Warqadda Odayaasha Muqdisho:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM