Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay xukuumadda Biixi

Somaliland
By WARIYAHA HARGEYSA , GAROWE ONLINE
Warbixin ay hay'addan soo saartey ayaa looga hadlay xaaladda kasii dareysa ee xorriyadda hadalka ee Somaliland.

HARGEYSA, Somaliland – Warbixin kasoo baxday hay’adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa looga hadlay xaaladda kasii dareysa ee xorriyadda hadalka ee Somaliland.

Hay'adda ayaa xukuumada Muuse Biixi Cabdi ku eedeysay "dulqaad la’aan iyo xadgudub ka dhan ah xorriyadda hadalka si lamid ah beegsashada siyaasiyiinta aragti ahaan ka duwan nidaamkiisa".

Joan Nyanyuki, agaasimaha Amnesty International ee bariga Afrika, ayaa wuxuu sheegay in saddexdii bilood ee lasoo dhaafey ay xireen ciidamada ammaanka shaqsiyaad dhaleeceeyay xukuumadda hadda jirta.

"Dhibaateynta iyo cabsigelinta mucaaradka ee goobjooga u nahay waxay hoosta ka xariiqeysaa dulqaad la’aanta ay dowladda haatan jirta u muujineyso gudbinta fekerka iyo in aysan jirin ilaalinta xorriyada aadanaha," ayuu yiri.

Inkasta oo xayiraada laga qaadey dhowaan, talaabadii ugu dambeysay ee ka dhan ah warbaahinta oo maamulka Hargeysa ku dhaqaaqo ayaa ah in uu albaabada u laabay muuqaal-baahiyeyaasha Horyaal iyo Erayl.

Intaasi waxaa wehlisa oo kasii horeysay xarig lagula kacay shaqsiyaad baraha bulshada ku dhaliilay dowladda oo ay ku jiraan wariyeyaal iyo siyaasiyiin naqdiya xukuumadda.

Amnesty International oo tibaaxdey in ay wareysatay dhibaneyaasha iyo reerkooda ayaa ku xustay warbixinteeda in xubnahaan ay dhaawacyo kasoo gaareen intii lagu guda jiray soo qabashadooda.

"Xarigan iyo tuhunka waxay gebi ahaanba beelmarsan yihiin dastuurka Somaliland kaasi oo bixinaya garantiyo ku aadan muujinta oraahda," ayuu hadalkiisa ku daray agaasimaha, sida lagu sheegay war-saxaafadeed.

Xukuumadda ayaa inta badan dadka ay xabsi u taxaabto ku eedeysa in ay kasoo horjeedan jiritaanka Somaliland iyo in ay ku kacaan falal wax u dhimaya amniga, wallow aysan soo bandhigin fahfaahin dheeraad ah.

"Mas'uuliyiintu ayaa adeegsada xeerka ciqaabta [Soomaaliya] ee 1962-kii si ay u xakameeyaan xorriyadda hadalka. Dhibaatadu waxay tahay in aanan dib afti loogu qaadin oo aanan lala mid dhigin dastuurka," ayuu daba dhigay.

Xildhibaan ayaa kamid ah dadka loo xiray in ay fekerkooda soo bandhigeen markii uu su’aal geliyey maalinta gooni isu taaga Somaliland. Mudanaha dib buu u helay xorriyadiisa bil kadib isaga oo aanan maxkamad lasoo taagin.

Ugu dambeyntii, hay'adda ayaa codsatay in lasii daayo suxufi Cabdimaalik Muuse Coldoon iyo Maxamed Sadiiq Dhame, siyaasi ka tirsan xisbiga Waddani kuwaasi oo haatan xiran, kiisaskoodii la dhageystay.

"Mas'uuliyiin Somaliland waa in ay sida ugu shaqsiyaha oo shuruud la’aan ah u soo daayaan shaqsiyaadka wali u xiran xorriyada hadalka iyo kuwa dhalaaceeya dowladda," ayuu Joan Nyanyuki kusoo xiray hadalkiisa.

GAROWE ONLINE

Wararkii ugu dambeeyey