Biixi oo digniin u diray gole iskaashi oo ay qayb ka tahay DF Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha maamulka gooni u goosadka ah ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa Talaadada maanta ah digniin hawada u mariyey Golaha Iskaashiga wadamada dhaca Badda Cas.

Isagoo ka hadlayey munaasabad tababar loogu soo xiray ciidamo boolis ah, Biixi ayaa carabka ku dhuftay in aysan aqoonsaneyn golahaas isla markaana ay ka difaacan doonan in ay soo galaan xuduudahooda badda.

Inkasta oo uusan si furan u qeexin sababta ay uga soo horjeedaan, Biixi ayaa muujiyey in diidmadooda ay salka ku hayso in aan laga qeybgelin aas-aaska golahaan ay hormuud u tahay Boqortooyadda Sacuudiga.

"Cidna ka yeelimayno, wax annaga qarannimadayada wax u dhimaaya, Cidina naguma metesho Baddacas, Dawladdaha yidhi Baddacas waxaanu u samaynaynaa ciidan difaaca ee magacyaasha badan ee sideeda dawladood ah, waxaanu cod dheer ugu sheegaynaa badda-yada iyo bariyaga annagaa difaacana, cid aan nagala tashana imaan mayso, kana yeeli mayno, mana nihin cidbaa xoog weyn iyo taagni buu wataa, midna ma aaminsanin horaan taangiyaal iyo qori ugu fureynaa iyo taki yar, mana nihin qolo taa ka baqaneysa, nin walba oo xoog weyn waxaan u sheegeynaa Nabad iyo Nolol waanu rabnaa," ayuu yiri.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa kamid ah sideed dal oo xubin ka ah iskaashigan oo ujeedka loo yagleelay ay tahay in ay kawada shaqeeyaan sugitaanka nabad-gelyadda Badda Cas iyo Gacanta Cadan.

Horaantii sanadkan 2020 ayaa looga dhawaaqay magaalada caasimadda ah ee Riyadh kadib shir ay kawada qeybgaleen wasiirada arrimaha dibadda wadamada xubinta ka ah oo ay ku jiraan qaar dhaca Geeska Afrika.

Magacyadda sideeda qaran ee kamid ah iskaashigan isla markaana saxiixay Axdiga uu ku dhisan yahay oo dhowr qodob ah ayaa kala ah; Sacuudi Carabiya, Suudaan, Soomaaliya, Jabuuti, Masar, Urdun, Yemen iyo Eritrea.

Somaliland ayaa sanadkii 1991-kii ku dhawaaqdey in ay ka go'dey Soomaaliya inteeda kale, balse tan iyo xiligaas ma helin aqoonsi caalami ah. Dunida waxay u aragtaa maamul goboleed si toos ah u hoostaga Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM