Biixi oo walaac uu qabo maamulkiisa hordhigay wakiilka UN-ka

Image

HARGEYSA, Somaliland – Madaxweynaha Somaliland iyo wakiilka Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya ayaa ku kulmay magaaladda Hargeysa, maanta oo Khamiis ah.

Muuse Biixi Cabdi iyo James Swan waxaa shirka ku wehliyey xubno ka tirsan labadda dhinac oo qodobadii laga hadlay ay quseyso.

Yaasiin Faratoon, wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, ayaa warbaahinta uga warbixiyey qodobadii diiradda lagu saarey kulanka.

Sidda uu ka dhawaajiyey Faratoon, Biixi ayaa u sheegay Swan in maamulkiisu saluugsanyahay kaalmadda Beesha Caalamka u soo mariso dowladda federaalka Soomaaliya.

"Madaxweynuhu wuxuu u sheegay in fariintaan uu gaarsiiyo Xoghayaha guud ee Qaramadda Midoobay," ayuu Faratoon xusay.

Wasiirka ayaa xaqiijiyey in wada-xaajoodka lagu soo qaadey sidii dib loogu bilaabi lahaa wada-hadaladda Muqdisho iyo Hargeysa ee hakadka ku jira shantii sano ee lasoo dhaafay.

"Madaxweynuhu wuxuu caddeeyay in Somaliland diyaar u tahay in ay ka garnaqsato Soomaaliya oo kala dooddo arrimaha masiiriga ah," ayuu wasiir Faratoon hadalkiisa ku daray.

Dhankiisa, Swan oo wariyeyaasha la hadlay ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey in dhowaan dib loo bilaabo wada-hadaladda labadda dhinac.

Wada-hadaladii hore oo ka qabsoomay dalal kala duwan kama aysan soo bixin natiijo wax ku ool ah, waxayna dhalisay in aan dib dambe la isugu soo laaban lana sii kala fogaado.

Hogaamiyeyaasha Somaliland iyo Soomaaliya ayaa ku celceliya in ay diyaar u yihiin wada-xaajoodka, balse ma qaadin talaabo, taasoo la sheegay in ay rajo xumo ku riday shacabka.

MUUQAALKA KULANKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM