Cabdullaahi Fadal Iiman: Taliyihii Booliska Somaliland oo geeriyooday

Image

HARGEYSA, Somaliland - Cabdullaahi Fadal Iimaan, taliyihii booliska Somaliland, ayaa ku geeriyooday Isbitaalka guud ee magaaladda Hargeysa, sida ay xaqiijiyeen mas'uuliyiinta.

Wasiirka Arrimaha Gudaha maamulka Hargeysa, Maxamed Kaahin Axmed, ayaa shaaca ka qaadey in marxuumka uu dhowaan dib ugu soo laabtay waddanka Turkiga.

Mr Kaahin ayaa cod dheer ku sheegay in Fadal uu u dhintay xanuun uu mudooyinkii dambe la il-darnaa. Turkiga ayuu u aadey si uu isaga soo daaweeyay xanuunkaas.

"Waxaan tacsi tiiraanyo leh u direynaa qoyskiisa iyo Ummadda Somaliland," ayuu wasiirku u sheegay warbaahinta isaga oo ku daray: "Wuxuu ahaa mas'uul xil kas ah".

Meydka ayaa lagu wadaa in Sabtida lagu aaso magaaladda Hargeysa, waxaana la sheegayaa in loo sameyn doono aas-aas Qaran oo madax kala duwan a kasoo qeyb-geli doonto.

Waa kuma Cabdullaahi Fadal Iimaan?

Cabdullaahi ayaa horey u soo noqday taliyaha saldhiga dhexe ee Hargeysa iyo hogaanka Hawlgelinta ciidanka Booliska oo uu hayey muddo ku dhow labaatan sanno.

Sannadkii 2012-kii, madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa u magacaabay xilka taliyaha ciidanka Booliska Somaliland, xilkaas oo uu ilaa hadda hayey.

Maxamed Saqadhi Dubad ayuu bedelay kaasoo isana geeriyooday. Fadal ayaa aad ugu dhowaa madaxdii kala duwaa ee soo maray maamulka gooni u goosadka ah ee Somaliland.

Sidda ay sheegeen dad isaga ku dhow oo u waramay Garowe Online, marxuumka ayaa ifka kaga tegay laba xaas iyo 13-caruur ah, kuwaas oo isugu jira wiilal iyo gabdhow.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM