Dadka uu haleelay Covid-19 ee ku sugan Somaliland oo korortay

Image

HARGEYSA, Somaliland – Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa maanta oo Talaado ah sheegtay in 35 qof oo ay baartay 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay sideed kamid ah ka heshay safmareenka Coronavirus.

Bukaanadan cusub ayaa wadarta guud ee xaaladaha xanuunkan dilaaga ah ee degaanadda maamulkaas waxay ka dhigayaan 129.

Sidda lagu sheegay warbixinta Wasaaradda, dhamaan shaqsiyaadka cusub ee uu soo ritay xanuunka waa muwaadiniin, waana rag.

Xilli da'dooda ay u dhaxeyso 20jir ilaa 90jir waxay kala yihiin; 20jir ilaa 30jir = 1 qof, 30jir ilaa 40jir = 2 qof, 40jir ilaa 50jir = 4 qof iyo 80jir ilaa 90jir = 1 qof, sidda lagu fahfaahiyey warka qoraalka ah ee wasaaradda.

Shan kamid ah bukaanadan cusub waxay joogaan magaaladda Berbera, labana Burco, halka ruuxa kale uu degan yahay caasimadda Hargeysa.

Tiradda dadka uu galaaftay cudurka ayaa gaartay tobban kadib markii qof da'diisu tahay 85-sano jir uu ugu dhintay magaaladda Burco.

Ma jiro bukaano ka caafimaaday. Tani macnaheedu wuxuu yahay in dadka ka bogsaday caabuqa ay wali ku taagan tahay sideed qof.

Somaliland ayaa dhowaan laashay qaar kamid ah talaabooyinka ay u soo rogtay ka hortagga Covid-19. Tusaalaha ugu weyn ee dadku ka digayaa in uu faafis horleh sababi karo waa Qaadka oo ka yimaada Itoobiya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM