Dhimashada iyo kiisaska Coronavirus ee Somaliland oo sarre u kacday

Image

HARGEYSA, Somaliland – Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa maanta oo Sabti ah soo warisay in 110 qof ay 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay ka baartay safmarka dilaaga ah ee Coronavirus.

Sidda ku xusan warbixinta maalinlaha ah ee wasaaradda oo uu arkay warsidaha Garowe Online, waxaa xanuunka laga helay Sagaal iyo Labaatan qof [29] ruux.

Bukaanadda cusub ee uu soo ritay xanuunka dhamaantood waa muwaadiniin, 23 kmaid ah waa rag, 6-da kalana waa dumar.

Da’da bukaanadan cusub ayaa waxay u dhaxeysaa; 20jir ilaa 29jir = 11 qof, 30jir ilaa 39jir = 8 qof, 40jir ilaa 49jir = 2 qof, 50jir ilaa 59jir = 5 qof, 70jir ilaa 79jir = 2 qof iyo 90jir ilaa 99jir = 1 qof.

Shaqsiyaadka cusub ee laga helay cudurka ayaa waxay kala degan yihiin: magaalooyinka Hargeysa 24 qof iyo Burco oo ah 5 qof.

"Waxaa xanuunka ka bogsaday 5 qof taasi oo ka dhigaysa tirada guud ee bogsatay Saddex iyo Soddon [33]," ayay raacisay warbixinta.

Waxaa intaas lagu daray: "Waxaa geeriyooday hal qof oo dumar ah oo deganayd Hargeysa, da’deeduna ahayd 28 jir, taasi oo ka dhigaysa tirada dadka xanuunkan u dhimatay Simaliland 19".

Tan iyo markii dalka laga helay Coronavirus, degaanada Somaliland ayaa kamid ah goobaha sidda joogta ah looga soo wariyo maalin walba xaalado la xiriira fayruskaas sidda dhaqsiyaha badan ku faafa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM

Sheekh Mustafe: Somaliland waxay khiyaantay taariikhdeeda iyadoo la macaamishay Israel

Hadalka Sheekh Mustafe ayaa dood wayn ka dhaliyay Somaliland, maadaama uu yahay shaqsi saameyn leh, iyadoo...

  • Somaliland

    24-01-2026

  • 10:47AM