Fadhigii baarlamaanka Somaliland ee xaalada degdega oo baaqday

Image

HARGEYSA, Somaliland – Mudaneyaasha baarlamaanka Somaliland ayaa waxaa lagu waday in Sabtida ay fadhi ku yeeshaan xaruntooda magaaladda Hargeysa.

Kulanka oo labada Gole ay si wadir ah uga qayb geli lahaayeen ayaa looga doodi lahaa xaalada degdega ee uu Muuse Biixi Cabdi kusoo rogay qaybo kamid gobolka Sanaag.

Xoghayaha Golaha Guurtida maamulka gooni isu taagga ah ayaa shaaciyay in Xildhibaanada dib looga soo sheegi doono goorta uu qabsoomayo kulanka xiga.

Cabdinaasir Aadan oo war-fidiyeenka kula hadlay Hargeysa ayaa nan shaacin sababta dhabta ah ee keentay in la baajiyo fadhiga oo muhiimad gaar ah lahaa.

Hasayeeshee waxa ay tani kusoo beegmaysaa xili kulankii Khamiista ee daarnaa ajendahaan ay si wayn ugu kala qayb-sameen xeer-dejiyeyaasha uuna hareeyay buuq.

Jahwareerka carqaladeeyay fadhiga todobaadkii hore ayaa yimid markii coddeyn la qaaday uu gudoonka ku guuldareystay in uu soo bandhigo natiijada. [Halkaan ka akhriso fahfaahinta]

Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI oo bogaadiyey diidmada Xildhibaanada ee xeerkaasi ayaa ku tilmaamay xaalada degdeg ah "mid sharci daro oo aan loo baahneen".

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa xaalad degdega oo soconeysa muddo saddex bilood geliyay saddex oo ka tirsan Sanaag markii lagu dilay laba sarkaal. [Halkaan ka akhriso fahfaahinta]

Sikastaba, baaqashada kulanka ayaa kusoo beegmaysa iyada oo warar soo baxaya ay sheegayaan in Madaxtooyadu wado olale ay cod ugu raadineyso amarkaasi madaxweyne.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM