Guddiga Doorashooyinka Somaliland oo gudoon yeeshay xili uu muran jiro

Image

HARGEYSA, Somaliland – Xubnaha Guddiga Doorashooyinka Somaliland oo fadhi aan caadi ahayn maanta oo Sabti ah ku yeeshay Hargeysa ayaa waxay iska soo dhex-saareen gudoomiye.

Cabdirashiid Riyo-raac ayaa waxaa lagu waramayaa in loo coddeeyay gudoomiyaha cusub ee guddiga.

Mustafa Maxamed Daahir [Dhawal] ayaa waxaa isana loo xushay in uu noqdo gudoomiye ku xigeenka guddiga.

Talaabadan ayaa kusoo aadeysa xili uu khilaaf xoogan ka taagan yahay Guddiga oo ay isku hayaan mucaaradka iyo xukuumadda.

Mr Riyo-raac ayaa waxaa la sheegayaa in uu yahay yahay xubinta Guddiga ka tirsan ee aadka loogu muransan yahay.

Mucaaradka ayaa ku doodaya in xubintaan ay ka tirsan tahay xisbiga taladda haya ee KULMIYE una jaran-jeerto xukuumadda.

Madaxtooyadda oo diidey eedeyntaas ayaa sheegtay in xubnaha uu Muuse Biixi Cabdi soo xushay ka fog yihiin dhinac gaar ah.

Ugu yaraan, lixdii sano ee lasoo dhaafay Somaliland ayaa dhexda kaga jirtay khilaaf siyaasadeed oo dhanka doorashadda goleyaasha degaanka iyo baarlamaanka kuwaas oo baaqday lix jeer.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro oo taageeray Trump in la siiyo Abaalmarinta Nabadda ee Nobel Peace Prize

Madaxweyne Irro waxa uu sidoo kale soo dhaweeyay warqad furan oo uu Senatarka Mareykanka ah Ted Cruz u diray Trump.

  • Somaliland

    24-08-2025

  • 12:14PM

Cirro oo Soo Dhaweeyay Hadalka Rooble Ku Garab-Istaagay Somaliland

Waxaan hambalyeynayaa siyaasiyiinta fahmay xaqiiqada jirta, gaar ahaan Ra’iisul Wasaarihii hore Rooble.

  • Somaliland

    23-08-2025

  • 08:24AM