'Jabhad' weerartay saldhigga booliska ee magaaladda Boorama

Image

HARGEYSA, Somaliland – Jabhad ayaa waxaa lagu waramayaa in aroornimadii Isniinta maanta ah ay weerar culus ku ekeysay saldhiga Booliska ee magaaladda Boorama, xarunta gobolka Awdal.

Duulanaka ayaa waxaa ka dhashay iska hor-imaad fool ka fool ah, sidda ay ku waramayaa dadka degaanka.

Wariyeyaasha magaaladda ayaa u sheegay mareega Garowe Online in is-rasaaseynta ay socotay 30-daqiiqo.

Mas'uuliyiinta ayaa tilmaamay in ay iska caabiyeen weerarka, isla markaana kooxda hubeysan "ay baacsadeen".

Saraakiisha ayaa sidoo kale waxay daboolka ka qaadeen in ay bilaabeen howlgalo ay ku baadigoobayaan dableyda.

"Ma jiro khasaaro ka dhashay weerarka," ayay yiraahdeen. "Dhinaca Galbeed bay u cararen waanu ku daba jirnaa".

Illo wareedyo magaaladda ku sugan ayaa u sheegay GO in Jabhada uu hogaamiyo Suldaan Abuubabar Cilmi [Wabar].

Mr Wabar oo xaqiijiyey in falaagadiisu fulisay howlgalkan ayaa tilmaamay in uu qayb ka yahay "dhaqdhaqaaqooda xaq raadinta" oo ay soo cusbooneysiiyeen fashil ku yimid wada hadalo.

Wada xaajoodyadda ayuu tibaaxay in ay kula jireen mas'uuliyiinta xukuumadda uu hogaamiyo Muuse Biixi Cabdi.

Jabhadda Wabar oo degaanada maamulka Hargeysa ka jirtay xiligii xukuumadii Siilaanyo ayaa aad ugu xooganeyd dhanka xadka Itoobiya, balse iminka u muuqata in ay magaalada soo gashay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro oo taageeray Trump in la siiyo Abaalmarinta Nabadda ee Nobel Peace Prize

Madaxweyne Irro waxa uu sidoo kale soo dhaweeyay warqad furan oo uu Senatarka Mareykanka ah Ted Cruz u diray Trump.

  • Somaliland

    24-08-2025

  • 12:14PM

Cirro oo Soo Dhaweeyay Hadalka Rooble Ku Garab-Istaagay Somaliland

Waxaan hambalyeynayaa siyaasiyiinta fahmay xaqiiqada jirta, gaar ahaan Ra’iisul Wasaarihii hore Rooble.

  • Somaliland

    23-08-2025

  • 08:24AM