Kooxo hubeysan oo garsoore ku dishay magaaladda Laascaanood

Image

LAASCAANOOD, Sool – Dabley ku hubeysan bastoolado iyo qoryo ayaa xalay magaaladda Laascaanood ku dishay garsoore ka tirsanaa Maxkamadda xarunta gobolka Sool, sidda ay ku warameen goobjoogeyaal kala duwan.

Sidda ay muujinayaan warbixinadda ka imaanayaa dadka degaanka iyo saraakiisha ammaanka, Cabdullaahi Salaad Wadaad-yarre ayaa salay saqdii dhexe la toogtey xilli uu sii galayey hoyga uu ka degan yahay halkaas.

Jaamac Nuur Axmed, oo kamid ah dadka degaanka isla markaana garanayey marxuumka, ayaa u sheegay Garowe Online in qoyskiisu qorsheynayaan in ay aasaan Arbacadda maanta ah.

"Wuxuu ahaa qof degan oo wanaagsan. Waxaa lii sheegay in uu ku dhintay isla goobta ay gacan ku dhiigleyaasha ku beegsadeen," ayuu ku daray.

Ma jirto koox illaa haatan dusha saaratay mas'uuliyadda falkaas. Saraakiisha nabad-gelyadda way ka gaabsadeen in ay ka warbixiyaan.

Bishii Maaj 2-deeda, sanadkan 2020, Gudoomiyihii maxkamada gobolka Sool, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa lagu dilay qarax ka dhacay gudaha magaaladda. Ma jirto koox sheegatay mas'uuliyadda weerarkaas.

Isla bishii Maaj 17-keeda, kooxo hubeysan ayaa gudaha Laascaanood ku dishay Taliyihii Ciidammada sirdoonka gobolka Sool ee Somaliland, Cabdiqani Guhaad Xasan. Dableyda way ka baxsatay meesha ay wax ka dhaceen.

Falalkaan liddiga ku ah ee kusoo batay Laascaanood ayaa kusoo hagaagaya xilli horaantii sanadkan ay soo baxeen warar sheegaya in xubno Al-Shabaab ah lagu arkay degaano ka tirsan gobolka Sool ee waqoyga Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM