Madaxda xisbiga talada u haya Somaliland oo ku dagaalamaya xilal

Image

HARGEYSA, Somaliland – Loolan salka ku haya hogaaminta ayaa kasoo shaac-baxay xisbiga talada u haya maamulka Somaliland ee KULMIYE. Is-qabqabsiga oo meel adag maraya waxaa laga cabsi qabaa in uu kala tag sababo.

Is-mari-waaga ayaa dibada u soo baxaya xilli la agaasimayo shir-weynaha xisbiga, halkaasoo qorshuhu yahay in lagu doorto gudoomiye iyo ku xigeen.

Siyaasiyiin qaarkood xilal kasoo qabtay xisbiga ayaa xusay in laga hor istaagay in ay u tartamaan jagooyinkaas, qaarkood waxay ku warameen in xataa laga qaban-waayey araajadii markii ay buuxiyeen shuruudihii loo diray.

Sidoo kale, waxay wariyeen in Madaxtooyadda ay xilalkaas ka goobeyso shaqsiyaad saaxiibo la ah hogaamiyaha waqti-xaadirkan talada haya.

Maxamed Xaashi Cabdi, wasiiru dowlihii Madaxtooyada, ayaa ku eedeeyay Muuse Biixi Cabdi in "afduubtay" shir-weynaha isla markaana ku xadgudubay xeerkii iyo shuruucdii u tiilay xisbul-xaakimka Somaliland.

Sidda laga soo xigtay Cabdi oo wariyey in Biixi xubnaha isku-daba-ridaya kulanka u xushay qaar isaga ku dhow, xeerka xisbiga wuxuu xeerinayaa in gudoomiyaha marka madaxweyne noqdo uu faarujiyo jagada.

Tani ayaa la macno ah in Biixi uu isaga oo aan jagadaas iska wareejin uu qaab sharci darro ah xafiiska ku joogay tan iyo markii la doortey.

"Hadii uu madaxweyne Muuse u yaqaano xariifnimo iyo xiniyo cadaan been la sheego iyo balamaha siyaasadeed oo laga baxo waxaan leeyahay hogaamiyaha wanaagsani waxay u yaqaanaan hab-dhaqankaas dheg-xumo weyn iyo dhimasho siyaasadeed," ayuu Talaadadii warbaahinta ugu sheegay Hargeysa.

Shir-weynaha soo aadan ayuu hoosta ka xariiqay in lagu dooran doono nin dooran, hadii aan isbedel iyo si daahfuran wax loo maamulin.

"Madaxweynaha [Muuse Biixi Cabdi] farshaxan kuma aha isugu faaninta dadkiisa iyo ixtiraamka fekradaha ka dhanka ah, balse wuxuu farshaxan ku yahay ficiltanka iyo kala fogeynta dadkiisa," ayuu ku daray, isagoo caro ka muuqato.

Khilaafka ka dhex-qarxey xisbiga KULMIYE, hadii aan si deg-deg ah loo xalin, wuxuu keeni karaa in ay lumiyaan kalsoonida cod-bixiyeyaasha doorashooyinka baarlamaanka iyo goleyaasha degaanka soo soo aadan.

Inkasta oo doorashooyinka ay coddeeyaan shacabka arrintaasoo ay ku sheegtaan dimuqraadiyad, hogaanka siyaasadda Somaliland ayaa jagooyinka ay hayaan ku naas-nuujiya ama uga faa'iideeyaan shaqsiyaadka ku heebta ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM