Muuse Biixi oo ku guulaystay Doorashadii Somaliland

Image

HARGAYSA, Somaliland- Doorashadii maamulka Somaliland ka dhacday 13 November, waxaa kusoo baxay mar kale Xisbiga talada haya ee KULMIYE oo hadda horkacayo Muuse Biixi Cabdi, isgoo ka adkaaday dhigiisa Cabdiraxmaan Cirro iyo Faysal Cali Waraabe.

Natiijada Doorashada oo waqti badan la sugayay, waxaa ku dhawaaqay Guddiga doorashooyinka Somaliland, kadib xaflad lagu qabtay caasimadda Hargaysa.

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Somaliland, ayaa sheegay in Madaxweyne shacabkii codeeyay ay u doorteen Muuse Biixi kaasoo helay codad gaaraya 305.909 oo lamid ah 55.19%.

Xisbiga kusoo xigay ee WADANI, waxaa u codeeyay 226,092 oo u dhiganta 40.73%, halka xisbiga  UCID ayaa u codeeyeen 23,141 oo noqonaysa, 4.17%.

In kabada 700.000 ayaa ka codeeyay dhammaan gobollada Somaliland, sida guddigu ku sheegeen shaacinta natiijada doorashada.

Muuse Biixi ayaa noqon doona Madaxweynaha Somaliland 5 sano ee soo socota, waxaana durba dabaal dag ka bilowday magaalooyinka waaweyn ee Somaliland.

Dhinaca kale, waxaa natiijada goor hore qaadacay Murashaxii Xisbiga WADDANI, Cabdiraxmaan Cirro, kaasoo tilmaamay in doorashada la musuq-maasuqay islamarkaana ay ka fogtay xalaalnimada.

Balse Guddiga doorashooyinka ayaa eedaas iska fogeeyay.

Amniga ayaa aad loo adkeeyay ka hor inta aan lagu dhawaaqin natiijada, waxaana ciidamo dheeraad ah la geeyay Caasimadda Hargaysa iyo magaalada Burco, iyadoo laga wal-walsanyahay inay rabshado dhigaan taageerayaasha Axsaabta mucaaradka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Qatar oo u yeertay Cabdiraxmaan Cirro kadib baaqii Xasan Sheekh

Dowladda Federaalka Soomaaliya weli kama aysan bixin wax jawaab rasmi ah oo ku saabsan casuumaadda Qatar usoo dirtay Cirro.

  • Somaliland

    27-06-2025

  • 08:48PM

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro oo looga yeeray Jabuuti

Wuxuu madaxweynaha ku wehlinayaa safarkiisa xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda.

  • Somaliland

    21-05-2025

  • 09:19AM