Muuse Biixi oo lagu eedeeyay dagaal ka socda Sanaag

Image

HARGAYSA, Somaliland- In kabadan 20 qof ayaa ku dhimatay dagaal ka dhacay qaybo kamid ah gobolka Sanaag, kaasoo u dhaxeeya beelo halkaas wada daga, sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah.

Dagaalkan oo dhacay Axadii, waxaa ku dhaawacmay in ka badan 30 qof, waxaana lagu eedeeyay xukuumadda inay mas'uul ka tahay waxa ka soconaya halka lagu magacaabo deegaanka Darar-weyne.

Suldaanka Guud ee Salaadiinta Somaliland ahna Suldaanka beel-weynta Garxajis, oo shir jaraa'id ku qabtay magaalada Hargaysa, ayaa Madaxweyne Muuse Biixi ugu baaqay inuu dhex-dhexaad ka noqdo waxa ka soconaya Dararweyne, hadii kale dagaalkaas uu noqon doono mid ay galaan beelaha Somaliland oo dhan.

Suldaan Maxamed Suldaan Cabdulqaadir, ayaa sheegay in xukuumaddu hubaynayso mid kamid ah beelahaas islamarkaana saxaafadda ka sheegayso dagaalka ha la joojiyo, taasina ay tahay wax aan la asmaci karin.

"Dagaalka uma dhaxeeyo labo beelood ee wuxuu u dhaxeeya Xukuumad iyo beel, dowladda ayaa rasaasta iyo hubka siinaysa beesha kale," ayuu yiri suldaanka oo intaas ku daray, "Madaxweynaha iyo xukuumadda waxaan ugu baaqayaa in dagaalkaas ay faraha kala baxaan, labada beelood iyagaa dan isugu imaan."

Dhinaca kale, wuxuu Suldaanku Madaxweynaha Somaliland ku eedeeyeen inuu noqdo hogaan Beeleed ee uusan u dhaxayn beelaha Somaliland, wuxuuna ugu baaqay inuu dhex-dhexaad ka noqdo waxa ka socda dalka.

"Shalay waxaa lala lahaa Madaxweynaha Jeegaanta, Muuse waxaan ku leeyahay noqo Madaxweyne Qaran ama Madaxweyne Beeleed." sidaas waxaa hadalkiisa ku sheegay Suldaan Muuse.

Hadalkan ayaa yimid xilli siyaasiyiinta iyo Madaxda Somaliland ay ku baaqayaan in la joojiyo colaadan oo dhowr jeer ka dhacday deegaankaas, waxaana hadda laga cabsi qabaa inay ku fido gobolka Togdheer oo labada beelood wada-dagaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Somaliland Oo Beenisay Hadal uu yiri Wasiir katirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya

Somaliland waxay ahaaneysaa dal madax-bannaan, xasilloon, oo nabad ku jirta. Dadkeennu waa mid mideysan oo adkaysi leh.

  • Somaliland

    08-12-2025

  • 07:53AM

Somaliland oo mamnuucday in E-VISA oo Dowladda Soomaaliya soo saartay lagu tago Hargeysa 

Arrintan waxay ka mid tahay khilaafka muddo dheer ka taagnaa maamulka hawada iyo maamulka guud ee hawada Soomaaliya.

  • Somaliland

    09-11-2025

  • 07:36AM