Somaliland: Muuse Biixi oo loogu baaqay inuu si deg deg ah isku casilo [Daawo]

Image

HARGEYSA, Somaliland - Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Somaliland [WADDANI], Cabdiraxmaan Cirro ayaa ugu baaqay Madaxweyne Muuse Biixi inuu xilka iska casilo, islamarkaana la qabto doorasho cusub.

Cirro ayaa ku eedeeyay Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Siilaanyo uu sameeyay Qiyaano qaran, kadib markii uu shacabka ka qariyay xogta Heshiiska Imaaraadka ee saldhigga military ee Berbera.

Cabdiraxmaan Cirro sheegay in Qiyaanada Qaran ee uu galay Siilaanyo ku muteysan karo in Maxkamada lasoo taago, maadaama uu ka dhigay Heshiiska mid Xukuumaddiisa la gashay Imaaraadka.

"Siilaanyo Hog madow ayuu ku riday Somaliland, Muuse-na ciida ayuu ku rogay," ayuu yiri Cabdiraxmaan Cirro, isagoo hadalkiisa raaciyay in Siilaanyo uu ka tagey Taariikh Madow.

Muuse Biixi ayuu sidoo kale ku eedeeyay inuu been u sheegay shacabkiisa, kana qariyay in heshiisyada ay wada galeen dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Imaaraadka, isaguna uu yahay qofka fulinaya.

"Madaxweyne Muuse wuxuu jebiyay dastuurka, wuxuu ku kacay qiyaano qaran, waxaana uu banaan labo arrimood midkood inuu yeelo - inuu iscasilo, oo shacabkuna waydiisto cafis, kuna dhawaaqo in la qabto doorasho Madaxweyne oo cusub ama in xilka laga qaado," ayuu yiri yiri Cirro.

Eedeynta Cirro, ayaa ka dambaysay Wareysi uu bixiyay Anwar Gargash, oo ah Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda dowladda Imaaraadka, kaasi oo sheegay in aysan aqoonsayn Somaliland, islamarkaana heshiiska Berbera la galeen dowladda Soomaaliya.

Wasiirka ayaa intaasi ku daray in Heshiiska Berbera ay dowladda Imaaraadka la gashay heshiiska dowladdii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, maadaama aysan Somaliland ahayn dal madaxbanaan, oo xitaa aysan Qunsuliyad ku lahayn.

Hoos ka Daawo Shirka Jaraa'id ee CIRRO:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM