Somaliland oo baaritaan ku bilowday ajnabi lagu tuhmay Covid-19

Image

HARGEYSA, Somaliland – Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylici, ayaa Isniinta maanta ah, wuxuu ku dhawaaqay in dheecaanada dad ay uga shakiyeen Coronavirus ay u direen dibada.

Saylici oo hogaamiya guddiga maamulka u qaabilsan ka hortagga xanuunkaas ayaa shaaca ka qaadey in tiradda shaqsiyaadkaas ay gaareyso saddex qof, oo uu ku jiro nin u dhashay Shiinaha, oo ah xudunta cudurka.

Isagoo wariyeyaasha kula hadlay magaalada Hargeysa ayuu intaas ku daray in ay karantiil geliyeen saddex kale oo kasoo gudbay xadka Jabuuti.

"Saddexdaas qof waxaa lagu arkay astaamaha oo ay kamid tahay xumad [qandho] badan, waana la baarayaa," ayuu hadalkiisa raaciyey.

Mar uu soo hadal-qaadey dadka ay dejiyeen huteelada caasimada markii lagu tuhmay fayruska, Saylici ayaa meesha ka saarey in xubnahaas ay kasoo ifbaxeen calaamadaha lagu garto cudurka.

"Hoteelada dadkaan ku hayno, illaa hadda cidna laguma arag calaamad, taxadirkeedana waan qabnaa," ayuu ku adkeystay.

Somaliland ayaanan wali hirgelin goobaha karan-tiilka, taas bedelkeeda dadka la tuhmo waxaa la dejiyaa huteelo ay qarashka maalinlaha ah iyaga iska bixinayaan. Muda huuriska caabuqa waa 14-maalmood.

Shalay ayay ahayd markii Jamhuuriyada Jabuuti ay ka shanqarisay in saddex ruux oo kaga yimid dhanka Somaliland ay ka heshay Covid-19. Bukaanada oo xadka dhulka "kasoo gudbay ayaa ah muwaadiniin Jabuutiyaan ah".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM