Somaliland oo diiwaan-gelisay kiisas cusub oo ah safmarka Coronavirus

Image

HARGEYSA, Somaliland – Wasaaradda Caafimaadka maamulka Somaliland ayaa maanta xaqiijisay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay safmarka Coronavirus ka baartay 28 qof kadib markii lagu tuhmay.

War-saxaafadeed ayaa lagu caddeeyay in sideed [8] kamid ah shaqsiyaadkaas laga helay cudurka, taas oo la macno ah in tiradda kale laga waayey.

Dhamaan bukaanadda cusub oo ah muwaadiniin aanan safar gelin ayaa shan kamid ah lagu sheegay rag ama Lab, 3-da qofna kala haween ama Dhedig.

Sidda laga soo xigtay qoraalka, da'da bukaanadan cusub waxa ay u dhaxaysaa; 20jir ilaa 29jir = 1 qof, 30jir ilaa 39jir = 6 qof iyo 50jir ilaa 59jir = 1 qof.

"Bukaanadan dhamaantood waxa ay degan yihiin Hargeysa. Waxaa xanuunka ka caafimaadey 2 qof taasi oo ka dhigaysa tirada guud ee bogsatay Saddex iyo Labaatan [23]," ayaa la yiri bayaanka.

Nasiib wanaag, lama soo warin geeri horleh oo xanuunku sababay oo dhacday afar iyo labaatankii saac ee aynu kasoo gudubnay.

Guud ahaan xaaladaha Covid-19 ee Somaliland ayaa sii cagacageynaya 225; dhimashadda waxay ku taagan tahay 17; tiradda guud ee dadka ay Somaliland ka baartay caabuqa waxay gaareysaa 1,003

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM