Somaliland oo mamnuucday Salaadda Ciidda xili ay fasaxday Qaadka

Image

HARGEYSA, Somaliland - Guddiga Somaliland u qaabilsan ka hortagga Coronavirus oo maanta habraac kasoo saarey dabaaldega Ciiddul Fidriga ayaa mamnuucay in Salaadda lagu tukado Masaajidada.

Taas bedelkeeda, rayidka ayay ku dhiirageliyeen in ay ku oogaan guriyahooda. Talaabadan waxaa lala xiriiriyey cabsida laga qabo faafitaan horleh oo caabuqa uu sameeyo inta lagu jiro maalmahaas.

Degaanada maamulkaas gooni u goosadka ah waxaa laga xaqiijiyey 131 xaaladood oo ah Covid-19. Intaas waxaa wehlisa 11 dhimasho ah iyo tobban bukaan oo ka caafimaadey markii uu haleelay.

Go'aanka joojinta Salaadaha Ciidda ayaa kusoo beegmaya xilli maamulka uu dhowaan xayiraadda ka qaadey Qaadka, waxaana arrintaan ay dhalisay su'aallo dadka qaarkii is-waydiinayaan.

Dhanka kale, mulkiileyaasha goobaha ubadka lagu ciyaarsiiyo ayaa lagu amray in aysan furi karin xarumahooda maadaama ay kamid yihiin meelaha bulshadda ku kulanto lagu damaashaadku socdo.

Isu socodka dadka iyo gaadiidka oo ay ku jiraan kuwa gaarka loo leeyahay ayaa la hakiyey "laga bilaabo kowda duhurnimo ee maalinta ka horeysay ciidda marka laga reebo gaadiidka badeecadaha".

"Waxaa la mamnuucay in huteelada lagu qabto wax casuumaad ah oo kulmisa dad tiro badan," ayaa lagu yiri qoraalka oo kasoo baxay xafiiska madaxweyne ku xigeenka, Cabdiraxmaan Salyici.

Ugu dambeyntii, waxaa la faray dugsiyadda Qur'aanka iyo iskuuladda in ay fasax galaan laga bilaabo 30-ka iyo 31-da bisha May, 2020, iyaddoo laamaha ammaanka la faray in ay dhaqan-geliyaan amarka.

Hoos ka akhriso habraaca

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM