Wariyeyaal lagu xiray Somaliland oo maxkamad lasoo taagey

Image

HARGEYSA, Somaliland – Mas’uuliyiinta Somaliland ayaa sare u qaadey weerarka ka dhanka ah xorriyadda hadalka iyo warbaahinta madaxa banaan.

Booliska oo aan la hubin hadii ay balwo [warrant] siteen ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay waxay siyaabo kala duwan xabsi ugu taxaabeen suxufiyiin.

Cabdirisaaq Cabdullaahi Asporo ayaa wuxuu ahaa tafaftiraha website-ka afka dheer ee Hadhwanaag, halka Cabdiqani Goud uu ahaa Agaasimaha mareegaas.

Wakiil wareedka warsidaha Garowe Online ee fadhigiisu yahay Hargeysa ayaa ku waramaya in xarigooda uu la xiriiro warbixin lagu daabacay website-ka.

Warbixinta oo saameyn iyo guux dhalisay ayaa waxay tooshka ku ifisay musuqmaasuq baahsan oo ay sheegeen in uu ka dhex jiro Bangiga Dhexe ee Somaliland.

Hay’addaha garsoorka iyo amniga ayaa wali wax war ah kasoo saarin xariga. Balse, ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA waa uu cambaareeyay.

Asporo iyo Goud oo habeenkii Arbacada iyo Talaadada xabsi loo taxaabay ayaa maanta maxkamad lasoo muuqdey, waxaana la faray in xabsiga lagu sii hayo shan maalmood.

Sababta jeelka loogu sii haynayo ayaa lagu macneeyay si booliska baaritaano dheeraad ah ugu sii sameeyaan eedeymaha loo haysto, oo aan lasoo bandhigin.

Falalkii ugu dambeeyay

Bishan September 5-teeda 2019-ka ayey ahayd markii xoogaga bileyska ay la wareegeen Tv-ga Horyaal ayna maalin kadib qabteen mulkiilaha Maxamed Cusmaan Mire.

Tani ayaa waxay timid markii muuqaal-baahiyeyaha uu ka baxay barnaamij ka hadlaya dumarka Khaadka isticmaala ee ku nool degaanada ismaamulkaas.

Ururka CJP oo u dooda xuquuqda wariyeyaasha aduunka oo falkaasi cambaareeyay ayaa wuxuu codsadey in xayiraada laga qaado Tv-ga, lana sii daayo Mire.

9-kii bishan September, wasaaradda warfaafinta maamulkaasi ayaa telefishinada madaxa banaan waxay fartay in ay wararka Soomaaliya ku daraan kuwa dibadda.

Hay'addo isugu jira kuwa caalami ah iyomaxali ayaa waxay talaabadaasi ku tilmaameen farogelin lagu sameynayo siyaasadda wararka ee warbaahinta xorta ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM