Somaliland oo loogu baaqay in ay ka baxdo dhulka dowladda Puntland

Image

GAROWE, Puntland – Somaliland waa in ay si nabad ah oo sharaf leh uga baxdaa dhulka ay haysato ee hoostaga dowladda Puntland ee Soomaaliyeed, sidda uu Axada maanta ah ugu baaqdey madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.

Deni oo xerada Xorgooble tababar ugu soo xiray cutubyo kamid noqonaya ciidamadda maamulkan ayaa carabka ku adkeeyay in xukuumadiisa ay ka go’an tahay difaacida dhulka iyo xuduudaha Puntland.

Xilli uu ka dhawaajiyey in ay soo dhaweynayaan wadahadalo lagu kala baxo, Deni ayaa hoosta ka xariiqay in aysan ka tanaasuli doonin taako kamid ah dhulka Puntland ee ku cad dastuurka u yaala maamulka.

"Waxaan ugu baaqeynaa Somaliland si sharaf ah dhulka iyo dadka Puntland ay joogto uga baxdo. Dhiig walaal ma dooneyno, derisnimo ayaan rabnaa, wanaag iyo horumar baan rabnaa. Waxaanan marna ka yeelayn oo dastuurka federaalkuna qodobkiisa 142aad uu farayaa in dowladda Puntland inta dastuurka federaalka ee qabyadda ah loo qaadayo afti kama dambeys ah in ay Puntland ku dhaqmeyso dastuurkeeda," ayuu ka dhawaajiyey.

Wuxuu xusay: "Waxaa sidoo kale dastuurka Puntland uu farayaa in xuduudaheeda way cayiman yihiin shantii gobol iyo degmadii Puntland lagu aas-aasay dadkii deganaa ay aas-aasteen, waa waajib dusha ka saaran Puntland cid ka gorgortami karta oo dastuur iyo sharci uu siinayo ma jirto".

"Waxaan caalamka u sheegeynaa in ay dastuurka Soomaaliyeed akhriyaan marka ay rabaan dadka Soomaaliyeed in ay wax taraan, dastuurka Soomaaliyeed wuxuu si qeexan u caddeynayaan, dastuurka Puntland uu qeexayaan, dhulka Puntland waa cad-yahay, dowladda Puntland ayaana mas'uul ka ah, cid kale oo gorgortan iyo wadahadal ka geli karta ma jirto," ayuu ku daray, isagoo tibaaxay in ay dhowr jeer sheegeen arrintaas, "waana ku celcelineynaa".

Puntland iyo Somaliland oo 1991-dii ku dhawaaqdey in ay ka go'dey Soomaaliya inteeda kale ayaa isku haya gacan ku haynta gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn, waxaana dhowr jeer degaanadaas ku dhexmaray dagaalo qaraar.

Dowladda Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay in ay dhowaan wadahadalo la gashay maamulka Hargeysa, iyaddoo aysan jirin cid wakiil ka ah dhanka Puntland aysan kasoo muuqan maadaama ay saameynayaan go'aanada kasoo baxa.

Iyaddoo Puntland ay si cad ugu sheegtay caalamka in aysan aqoonsan doonin natiijo kasta oo kasoo baxda wadahadalo lala galo Somaliland oo aan laga qeyb-gelin, wada-hadalada ayaa mar kale dhowaan dib uga furmaya dalka Jabuuti.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM