​Somaliland oo mar kale ka hadashay wadahadalkeeda Somalia

Image

HARGEYSA- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa ka hadlay wada­hadallada u dhexeeya Somaliland iyo Somalia, waxana uu caddeeyey in xukuumaddiisu diyaar u tahay sii socoshada iyo midho dhalka wada-hadalladaas.

Madaxweynaha oo khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey munaasibadda 26­ka june oo ah maalintii ay Somaliland xorriyadeeda ka qaadatay waddanka Ingiriiska, ayaa ku baaqay in la ballaadhiyo gogosha ay labada dhinac ku wada hadlayaan, isla­markaana lagu marti qaado dalal dhinacyadu ku wada qanacsan yihiiin, isagoo sidoo kalena soo dhaweeyey dedaalada nabadda lagaga dhalinayo Somaliya.

 “Xukuumadda aan madaxda ka ahay waxay diyaar u tahay ambaqaadka iyo sii wadista wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya. Haddaba, si looga gun gaadho wada hadallada labada dal u dhexeeya natiijo wax ku ool ah, waxaan ku baaqayaa in gogosha la ballaadhiyo, dalal laysla gartayna ay goob joog ka noqdaan,"Ayuu yiri madaxweynaha Somaliland.

Dadaallada nabadeed ee kasocda Soomaaliya ayuu ka hadlay madaxweyne Siilaanyo, wuxuuna soo dhaweeyay in dalkan colaadda la daalaa dhacaya lagu soo celiyo xasiloonidii uu lahaa.

"Dhinaca kale, waxaannu soo dhaweynaynaa dedaallada Beesha Caalamku ugu jirto sidii Soomaaliya nabad loogu soo dabbaali lahaa, isla markaana dawlad adag loogu dhisi lahaa dabayaaqada sannadka 2016­ka,” Ayuu hadalkiisa raacshay madaxweyne Siilaanyo.

Madaxweynuhu waxa uu ku baaqay inaanay Somaliland marnaba kamid ahayn Somaliya, isla­markaana ay tahay waddan madax bannaan.

Madaxweyne Siilaanyo waxa uu cod dheer ku sheegay inaanay Somaliland mteli Karin madax­dhaqameed muqdisho gudaheeda lagu cugtay, waxana uu arrintaas ku tilmaamay mid meel kadhac ku ah Somaliland, isagoo yiri, “Mar labaad, waxaan ku celinayaa Jamhuuriyadda Somaliland ma meteli karaan shakhsiyaad danaystayaal ah oo Muqdisho laga cugtay. Waa maag iyo meel ka dhac qaawan in magacaqarankaya ga loo cimaamado cid aan shacbiweynaha Somaliland dooran, ama aanay ceelalyo u diran”.

Ugu dambayntii madaxweyne Siilaanyo waxa uu markale farriin nabadeed u diray beelo ku wada nool gobolka Sool oo muddooyinkii ugu dambeeyey uu dhexmarayey dagaal dhimasho iyo dhaawac tiro badanba keenay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM