Somaliland: Labo ku dhimatey rabshadihii Burco, Maxaa sababey? [Warbixin]

Image

HARGEYSA - Magaalada Burco ayaa maanta waxaa lagu aasayaa Shan qof oo ku dhintey mudaharaadyo rabshado wata oo ka dhacey habeenkii xalay kuwasoo dadweyne ka careysan doorashooyinkii ka dhacey Somaliland isugu soo baxeen.

Wararka ka imaanaya rabshadihii ka dhacey magalada Burco ayaa sheegaya in ciidamada amniga oo ka hortagaya mudahararaadyado rabshado wata ay rasaas ku fureen dadweyne isugu soo baxay wadooyinka iyadoo halkaas ku dhinteen 2 qof oo shacab ah.

Rabshadahaan ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmey 15 qof kuwasoo lagu daaweynayo xarumaha caafimaadka magalada Burco.

Rabshadaha ka dhacey Somaliland ayaa waxay ka dhaceen magaalooyinka ay ka  Burco, Ceerigaabo iyo xaafad kamid ah magalada Hargeysa halkaas oo u ay badan yihiin tageerayaasha xisbiga Wadani.

Dhinaca kale 7 xubnood ee Guddiga  Somaliland ayaa ku soo xeroodey magalada Hargeysa iyadoo la filayo in maanta iyo berri dhageytaan cabashooyinka xisbiyada ee ku aadan muranka ay ka qabaan tirinta codadka.

Qaabkee u dhacdey Doorashada?

Marka laga soo tago nidaamka doorasho Hal Cod Hal qof ee ka hirgaley Somaliland ayaa sida la rumeysan yahay tageerada shacabka ee xisbiyada ( Kulmiye, Wadani iyo UCID) waxay ku saleysan tahay codadka ay ka helayaan beelaha ay kasoo kala jeedaan kuwasoo ku hardamaya awooda siyasadeed ee maamulkaas.

Xisbiga Kulmiye Musharax Muse Biixi ayaa codadka uu heley waxaa la rumeysan yahay in ay budhige u yihiin beesha Habar Awal ( Sacad Muse iyo Ciise Muse) iyo Habar Jeclo inteeda badan kuwasoo uu kasoo jeedo Madaxweynaha xilka kasii dagaya Siilaanyo.

Xisbiga Wadani ( Cabdiraxman Ciro) ayaa tageerayashiisu waxaa gundhig u ah beesha GarXajis ( Habar Yoonis iyo Ciidagale ) iyadoo dhinaca kale uu beelahaan uu kasoo jeedo Faysal Waraabe oo isagu kala qaybiyey codadkii Cabdiraxman Cirro ka heli lahaa beelweyntaaan.

Beelaha lagu Hardamayo

Beelaha codadkooda noqonayaan kuwa doorashada Somaliland ka dhacdey 13 Nov, 2017 midkii badsada ku guulaysanyo ayaa waxay kala yihiin; Arab, Ayuub ( Isaaq), Warsangali, Dhulbahante ( Harti) iyo Gadabuursi ( Samaroon) iyo Ciise- oo dagan gobolka Awdal.

Sidee Xisbiyada Kulmiye, Wadani u kala heleen codadka beelalhaan? 

Baaris warsidaha Garowe Online sameeyey beelaha Samaroon iyo Ciise codadkooda boqolkiiba 60%- 70% waxaa la filayaa in Xisbiga Kulmiye aadaan halka sida xogtaan sheegeyso qabaa’ilka Hartiga Dhulbahante Maxamuud Garaad ( Cali Khaliif Galeyr) inta ka codeysay codadkoodu aadeen Xisbiga Kulmiye halka Farax Garaad u badnaayeen xisbiga Wadani halka 70% beelaha Warsangali ugu shubeen Wadani.

Dhinaca kale Musharaxa Xisbiga UCID meelaha uu kala dhantaaley codadkii aadi lahaa xisbiga Wadani isagoo kasoo jeeda beesha Garxejis ayaa waraka aan heleyno sheegayaan iney yihiin; qabiilka Garxejis oo kala qaybsamey halka Arab isagana dhinac kamid ah codka siiyeen UCID.

Gobolka Awdal ayaa dib u tirin lagu sameeyey codadkiisa ayaa wararka sheegayaan in Xisbiga Wadani 7000 Cod ku horeeyo balse dadka la socdaa doorashada sheegayaan in is-barbar dhac noqon doono.

Hadaba kala qaybsanaanta qabaa’ilka ayaa waxay saameyn ku leedahay sida beelahaan ugu qancayaan natiijada kasoo baxaysa doorashadaan oo la filayo maalinta Sabtida ama Axada in lagu dhawaaqo.

©️Xuquuqda warkaan waxaa iska leh warsidaha GO hadaad rabto dib u daabicis kala soo xiriir contact@garoweOnline.com

GAROWE ONLINE 

 
 

Related Articles

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM