Taliyihii sirdoonka maamulkii Cabdi Illay oo loo gacan-gelinayo Itoobiya

Image

HARGEYSA, Somaliland – Taliyihii sirdoonka maamulkii Cabdi Illay ayaa lagu xiray Hargeysa, xarunta Somaliland, sidda ay qortay warbaahinta. Mukhtaar Sheekh Subane waxaa la filayaa in Itoobiya lagu wareejiyo.

Maxamed Colaad, lataliyaha arrimaha warbaahinta madaxweyne Mustafa Cagjar, ayaa sheegay in Mukhtaar lagu qabtay kadib macluumaadyo ay is-dhaafsadeen Somaliland iyo ismaamulka Soomaalida.

Suubane ayaa wajahaya eedeymo ay kamid yihiin; dil wadareed, afduub iyo xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

Si gaar ah waxaa loo haystaa weeraro lagu beegsaday Kaniisado ku yaala Jigjiga intii ay socdeen rabshadihii keenay in uu xafiiska baneeyo Illay.

Mukhtaar Suubane oo horey uga tirsanaa ONLF ayaa kadib isku dhiibay ciidamadda degaanka, wuxuuna kamid noqday saraakiisha ugu sareysa ee Liyuu Boolis kahor inta aan taliska sirdoonka loo dalacsiin.

Dacwad-oogaha guud ee Itoobiya ayaa Mukhtaar ku daray liiska shaqsiyaadka uu doonayo kadib markii uu is-casilay Cabdi Illay.

Bilo kahor ayay ahayd markii Xasan Dheere, taliyihii hore ee Jeel Ogaadeen lagu qabtay Puntland.

Sikastaba ha ahaatee, mas'uuliyiinta ismaamulka degaanka ayaa bilooyinkii lasoo dhaafay sarre u qaadey baacsiga xubnaha looga shakisan yahay in ay degaanka ka geysteen xadgudubyadda iyo xasuuq wadareedka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Somaliland oo mamnuucday in E-VISA oo Dowladda Soomaaliya soo saartay lagu tago Hargeysa 

Arrintan waxay ka mid tahay khilaafka muddo dheer ka taagnaa maamulka hawada iyo maamulka guud ee hawada Soomaaliya.

  • Somaliland

    09-11-2025

  • 07:36AM

Madaxweyne Cirro Oo Sheegay Inaysan Somaliland Dagaal Kula Jirin dowladda Soomaaliya

Madaxweyne Cirro ayaa sidoo kale ka hadlay qorshaha dowladda Soomaaliya ee dhisidda maamulka cusub ee looga dhawaaqay Laascaanood.

  • Somaliland

    26-10-2025

  • 12:16PM