Itoobiya oo wafdi u dirtay Hargeysa markii Biixi uu diidey dalabka Abiy

Image

HARGEYSA, Somaliland - Wafdi uu horkacayo Wasiirka Maaliyadda Itoobiya, Axmed Shide ayaa saaka ka degay magaaladda Hargeysa ee caasimadda maamulka Somaliland, maalin kadib markii Madaxweyne Muuse Biixi uu diiday booqashada wadajirka ee Abiy iyo Farmaajo.

Axmed Shide, oo kasoo jeeda dowlad-degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa lagu wadaa inuu la kulmo Muuse Biixi, isagoo sida la sheegay kala hadli doona dalabka Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed ee booqashada Hargeysa.

Muuse Biixi ayaa maalintii shalay isagoo ka hadlayay baarlamaanka sheegay inaysan dhici doonin Farmaajo inuu booqdo Hargeysa, waxaana hadalkiisa uu yimid kadib markii 11-kii bishaan lagula kulan siiyay xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya ee Addis Ababa.

Kulanka oo sida uu sheegay Madaxweyne Biixi lagu kediyay, ayaa waxaa uu Abiy Axmed codsaday in isaga iyo Farmaajo si wadajir ah u tagaan Hargeysa, waxaana dalabkaasi uu dhaliyay dood kulul gudaha Somaliland.

Muuse Biixi ayaa tilmaamay in kulankii Addis Ababa looga hadlay sidii Abiy Axmed u dhexdhexaadin lahaa Somaliland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo beeniyay wararka ku saabsan in laga dalbaday booqashada Hargeysa.

Laakiin, waxa uu soo dhaweeyay Madaxweynaha raali-gelintii uu Farmaajo ka bixiyay 13-kii bishan dhibaatadii loo geystay Somaliland 1988, taasoo uu ku tilmaamay tallaabo loo qaadey dhanka nabada, iskaashiga iyo wadahadalada mustaqbalka labada dhinac.

Abiy Axmed oo lagu yaqaano inuu si deg-deg ah waxwalba ku qabto, ayaa markii uu la kulmay Muuse Biixi u sheegay in saddex maamlood ku diyaariyo booqashada isaga iyo Farmaajo ee Hargeysa.

Dhanka kale, Abiy iyo Madaxweynaha Eritrea ayaa u muuqda inay ka shaqeynayaan sidii Farmaajo baadi ugu sii ahaan lahaa kursiga, iyagoo u juujuubaya Somaliland, iyadoo la go'doominayo maamullada. [Halkan ka akhri warbixin].

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Qatar oo u yeertay Cabdiraxmaan Cirro kadib baaqii Xasan Sheekh

Dowladda Federaalka Soomaaliya weli kama aysan bixin wax jawaab rasmi ah oo ku saabsan casuumaadda Qatar usoo dirtay Cirro.

  • Somaliland

    27-06-2025

  • 08:48PM

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro oo looga yeeray Jabuuti

Wuxuu madaxweynaha ku wehlinayaa safarkiisa xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda.

  • Somaliland

    21-05-2025

  • 09:19AM