​Wafdiga dhammaystiray hishiiska DP World oo Hargaysa soo gaaray

Image

HARGAYSA, Somaliland- Waxaa maanta magaalada Hargaysa caasumadda Somaliland lagusoo dhaweeyay wafdi kayimid waddanka Isutagga Imaaraadka Carabta kuwaasoo kasoo qayb qaatay dhammaystirka hishiiska dhexmaray xukuumadda Somaliland iyo shirkadda DP World.

Wafdigan oo kamid ahaa madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, wasiirro iyo wakiilka maamulkaasi u fadhiya Imaaraadka ayaa si weyn loogusoo dhaweeyay caasumadda Hargaysa iyagoo ka hadlay safarkoodii Dubai.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland  Cabdiraxmaan Saylici oo hadal siiyay warbaahinta ayaa ka waramay hishiiska dhexmaray labada dhinac, isagoo guul taariikhi ah ku tilmaamay mashruuca lagu dhisayo Dekedda Ber-bera.

"Waxaan shacabka Somaliland guud ahaantiis ugu bishaaraynayaa inuu heshiiskaasi ahaa kii ugu weynaa ee Somaliland gasho mudo 25 sannadood ah,markaa reer Somaliland waxaan leeyahay khayr ku abshira,shacabkiina taageerayna waa ku mahadsan tihiin taageeradiina waayo shaqo laxaad leh ayay qabteen wasiirada oo mudo 5 bilood ah u fadhiyay Ansixinta heshiiskaas,”Ayuu yiri mudan Saylici.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa soo hadal qaaday dayactir lagu samayn doono warshadda Sibirka Berbera kaasoo uu sheegay in Shamiitada ay soo saarto lagu dhisi doono Dekadda, waxaana xusid mudan in muddo 25 sano ah aan dayactir lagu sameeyay xaruntaasi.

"Waxaynu jecel nahay in sibidhka dekedaa lagu dhisi doonaa uu noqon doono sibidhka ka soo baxa warshadeena sibidhka, maaha mid meel kale la inooga keeno,"Ayuu yiri wasiirku.

Shacabka Somaliland ayaa iminka isticmaal Sibir la sheegay in tayadiisu liidato oo lagu sanceeyo waddanka Ethiopia.

Mashruuca Dekedda Berbera oo ku kici doono kharash aad u badan ayaa la filayaa inuu isbadal ku sameeyo dhanka dhaqaalaha, wuxuuna muddooyinkii dambe noqday qodob ugu hadal haynta badan deegaanada Somaliland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM