Warbixin: Qaabka Doorashada Somaliland uga dhacday Sool iyo Sanaag

Image

GAROOWE, Puntland- Gobaladda Sool iyo Bariga Sanaag oo ah dhulka Somaliland iyo Puntland labaduba sheegtaan aya warar lagu kalsoonyahay waxay sheegayaan in dhammaan goobihii loogu talo galay in codbixinta doorashada Madaxweynaha Soomaaliland ka dhacdo ay si rasmiya uga qabsoontay marka laga reebo Degmada Sarmaayo oo ka tirsan Sool.

Sanaag Bari oo aheyd meelaha la filayey inay suurto gali-weydo doorashada ayaa lagusoo waramayaa in la geeyay sanaadiiqdii Codbixinta islamarkaana galabta loo carraabiyay magaalada Ceerigaabo.

Degmeda Baran, ee gobolka Sanaag warar xaqiiq ah oo aan ka helnay madaxda degmadaasi ee maamulka Puntland, waxay sheegayaan in magaaladaas markii horeba lagu darin goobaha Somaliland u qorshaysay inay ka dhacdo doorashadu, inkastoo dadka deegaanka qaybtood kasoo codeeyeen deegaano kale.

Taasi waxay muujinaysaa in maamulkaas uusan celinayn qofkii doonaya inuu ka qayb qaato doorashada Somaliland islamarkaana uu ka gaabiyay siyaasadiisa ku aadan gobolladaas. Halkan Ka Akhri

Rabshadaha dhacay:

Magaalada taleex ayaa galabta laga soo sheegay in rabashad aan sidaa u sii xeeldheereyn ay ka dhacday oo hal askari ku dhaawacmay. sababta wali lama garan karo.

Maamulka Puntland;

Saraakiil ka tirsan Puntland oo maanta gaadhey degmada Xingalool waxay ku guuleysteen in ay la hadlaan qaybo ka mida dadka deegaanka oo ay ku qanciyaan inaysan ka qeyb galin doorashada.

Warar kale oo laga helay ilo madax-banaan ayaa sheegey in waqtiga madaxda Puntland gacantooda ay soo galeen kaadhadhku ay aheyd xili inta badan dadka ay soo codeeyeen, oo kaadhku uusan wax qiimo ah lahey.

Magaca deegaanka iyo tirada sanduuqyada cod bixinta
Midhicir 1
Dooxo-dheer 1
Ceel-magacleh 1
Dawacooyin & gooxdheere 1
Tuuladda dawoco 1
Carmale 3
Hadaaftimo /3
Ina-daan 1
Yubbe 3
Ceelbuh 3
Xingalol & sibaayo 3
Damala xagare 3
Shimbiraale 3
Daarasalaam 1

Dhanka laasqorey waxba kama jiraan ayaa la sheegey diiwaan-galinba kama dhicin iyo Dhahar oo la mid ah.

Xigasho: Faysal Khaliif Barre

Related Articles

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM

Itoobiya oo u dhaqaaqdey fulinta heshiis beenaadkii Somaliland

Talaabadan ayaa waxa ay kusoo aadaysaa xilli Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu ku sugan yahay Kenya halkaas oo uu kawado olole xoogan.

  • Somaliland

    28-02-2024

  • 04:51AM