Xildhibaan xarigiisa kala qeybiyey hogaanka Somaliland oo lasii daayey

Image

HARGEYSA, Somaliland – Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool, oo ka tirsan golaha wakiillada Somaliland kaasi oo tan iyo 2-dii bishii hore ee May ku xirnaa xabsi ku yaala Hargeysa ayaa Isniinta maanta xorriyadiisa dib u helay.

Mudanahan oo xili dambe oo habeenkii ah lagala baxay hoygiisa isla markaana xarigiisa uu kala qeybiyey hogaamiyeyaasha xisbiyadda Somaliland ayaa yimid maalmo kahor maalinta gooni isu taaga maamulka Hargeysa.

Laamaha ammaanka ayaa sababta ay xorriyadda uga qaadeen shacidejiyaha ku sheegay "gaf uu ka galay 'qaranka' Somaliland iyo kala qeybinta bulshada" waxayna maalmo kadib ay horgeeyeen Maxkamad.

Hadaladii uu yiri Xildhibaanka ee sababay in jeel ku baryo in ka badan muddo bil ah isagoo ka waramaya xuska maalmaha 26-ka June iyo 18-ka May ayaa ahaa: "Waa run 26-ka June iyo 18-ka May dadku siyaabo kala duwan ayay isugu khaldaan, maalintii xornimadu waxay ahayd 26-ka June, Somaliland iyo Soomaaliba maalin taariikh u leh bay ahayd mana ahan mid la isku khilaafsan yahay, balse 18-ka May maalin gobonimo maahan, waa maalin beeshii [Jabhadda] SNM ay dareen ayadu leedahay ay ku cabbirayso".

Balse xeer-beegtada oo ku gacan-seyray dacwada ka dhanka ah Dhakool ayaa tilmaamtay in aysan awood u lahayn in ay qaado gal-dacwadeed ka dhan ah mas'uul dowladood oo xasaanad leh.

Guddiga Anshaxa ee Aqalka Hoose oo ay dacwad-oogeyaasha waydiisteen in ay xasaanada ka xayuubiyaan Xildhibaanka ayaa sharci daro ku sifeeyay xariga, waxayna codsadeen in si degdeg ah loosii daayo.

Hay'addaha Xuquuqul Insaanka u dooda ayna ku jiraan qaar caalami ah oo arrinta Xildhibaanka ka hadlay ayaa xusay in ay "xadgudub ku tahay" xuquuqda uu qofka u leeyahay in uu cabiro feker walba oo ka guuxaya.

In ka badan muddo bil ah kadib, sii deynta Mr Dhakool ayaa waxay kusoo beegmeysaa xili ay soo baxayaan warar sheegaya in xubno ka socda beeshiisa ay raalin ka bixiyeen "gefafka uu ku kacay".

Dhinacyadii horey u cambaareeyay xariga Dhakool ayaa aad u soo dhaweeyay in uu banaanka yimaado wallow ay sheegeen in ay ka "walaacsan yihiin" xaalada xorriyada hadalka ee Somaliland.

Xukuumada Muuse Biixi Cabdi ayaa tan iyo markii ay xafiiska timid waxay wajahaysaa eedeymo ay kamid yihiin cuburinta suxufiyiinta, hal-abuurka iyo siyaasiyiinta ka aragtida duwan ee soo bandhigaya dal-daloolda maamulka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM