Xisbiga Waddani oo mowqif cad ka qaatey mudo kordhinta doorashadda Somaliland

Image

HARGEYSA, Somaliland - Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI ayaa soo dhaweeyay muddo kordhinta uu Gollaha Guurtida ee Somaliland usameeyay Aqalka Wakiilada, taasoo ah 9-ka bilood ee soo aadan sanadkaan 2019.

Muddo kordhintaan ayaa ka dambeysay markii ay dib-u-dhacday markii 5aad doorashooyinka Gollayaasha Sharcidejinta iyo tan Degaanada, taasoo haatan loo balamay bisha December ee sanadkaan.

War qoraal ah oo kasoo baxay xisbiga ugu wayn mucaaradka degaanada maamulkaan gooni isku taaga ah ayaa sidoo kale waxaa lagu xoojiyay mowqifka WADDANI oo ah dib-u-habeyn lagu sameeyay Guddiga doorashooyinka kahor cod-bixinta.

Go’aanka uu qaatay xisbiga uu Gudoomiyuhu uyahay Cabdiraxmaan Cirro wuxuu kusoo aadayaa iyada oo uu todobaadkaan kasoo laabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasi oo uu kula soo kulmay Beesha Caalamka.

HALKAN KA AKHRI:

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM