Xisbiga Waddani oo shuruud ku xiray in Somaliland ay hesho aqoonsi

Image

HARGEYSA, Somaliland – Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ayaa mar kale cadeeyay mowqifkiisa doorashooyinka goleyaasha xeer-dejinta iyo degaanada.

Barkhad Batuun, afhayeenka xisbigaasi, ayaa hoosta ka xariiqay in ay diyaar u yihiin qabsoomida doorashooyinkaasi.

Xisbiga talada haya ayuu ku nuux-nuux saday in uu ka cagajiidayo in ay dhacdo doorashada oo markii shanaad dhib loo dhigay, horaantii sanadkaan.

"Arrimaha la isku hayo waxaa kamid ah in guddiga doorashada xubnaha kamid noqonaya si siman loogu qaybiyo xisbiga," ayuu raaciyay.

Guddiga doorashooyinka ee haatan jira oo la sheegay in ay ku badan yihiin xubnaha xisbiga KULMIYE ayaa "is-dabariyay" cod-bixintii u dameysay.

"Beesha caalamkuba way og-tahay in KULMIYE diidan yahay fulinta qodobkaasi," ayuu afhayeenka hadalkiisu ku daray.

Mr Barkhad ayaa ka digay cawaaqib xumo ay kamid tahay in doorashooyinkaan darteeda ay Somaliland ku lumiso taageerada caalamka.

"Dimoqraadiyadda iyo qabsoomida doorashooyinka waa arrinta kaliya ee haatan nagu soo jeedisa [saaxiibadda caalamka]," ayuu xusay.

In ka badan 25-sano ayay shaqeynayaan labada Aqal ee Somaliland, taasi oo xisbiyada mucaaradku codsanayaan in la badalo si loo helo Xildhibaan cusub oo dhalinyaro ah.

"Hadii ay doorasho dhici waydo heli mayno ic-tiraafka aanu raadineyno," ayuu daba dhigay Afhayeenka xisbiga WADDANI.

Dhanka kale, afhayeenka ayaa ugu baaqay madaxwayne Muuse Biixi in uu wax ka qabto cadaalo daran baahsan oo jirta iyo maciishada nolosha oo korodhay.

Somaliland ayaa sheegata in ay ka madax banaan tahay Soomaaliya inteeda kale tan iyo 1991-dii, inkasta oo ay ku hungowday aqoonsi caalami ah, wallow ay gaartay horumaro kale duwan.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM

Itoobiya oo u dhaqaaqdey fulinta heshiis beenaadkii Somaliland

Talaabadan ayaa waxa ay kusoo aadaysaa xilli Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu ku sugan yahay Kenya halkaas oo uu kawado olole xoogan.

  • Somaliland

    28-02-2024

  • 04:51AM