Kadib 27 Sano, Wasaarad ku shaqo billawday xarunteeda

Image

MUQDISHU, Somalia - Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa ku bogaadiyay masuuliyiinta cusub ee Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknooljiyada inay muddo kooban gudaheed ku guuleysteen inay si buuxda ugu shaqeeyaan xarunta rasmiga ah ee Wasaaradda.

Isagoo hadlayay ka dib markii uu soo booqday dhismaha Wasaaradda, ayaa Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenku wuxuu sheegay in tallaabadani ay si weyn kor ugu qaadi doonto wax-soo-saarka iyo niyadda shaqaalaha, isla markaasna suurtogelin karta isla xisaabtan buuxa.

Waa markii ugu horreysay ee dhismaha Wasaaradda ay si buuxda ugu shaqeeyaan mas’uuliyiinta Wasaaradda tan iyo markii ay burburtay dawladdii dhexe 1991-kii.

Laga soo billaabo 2014-kii markii la kala jaray wasaraadihii warfaafinta iyo boostada iyo isgaarsiinta, madaxdii ugu sarreysay ee Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta, sida wasiirka, ku-xigeenka iyo agaasimaha guud waxay xafiisyo ku lahaayeen dhismaha Wasaaradda Warfaafinta ee agagaarka madaxtooyada, halka shaqaalaha intooda kale ay ku hawl-galayeen dhismihii rasmiga ahaa oo ku yaalla degmada Boondheere.

Hase yeeshee, markii ay soo gabagaboobeen waxyaabo ka dhinnaa dhismaha oo la sameeyay bilihii la soo dhaafay, waxaa la soo xiray xafiisyadii kale, iyadoo madaxda wasaaraddu ay si rasmi ah ugu shaqo billaabeen xaruntii ay Wasaaraddu lahayd.

Wasiirka Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyada Mudane Eng. Cabdi Cashuur Xasan ayaa sheegay in aysan suurto geli karin fulinta qorshe-hawleedka Wasaaradda haddii aysan masuuliyiinta Wasaaradda iyo shaqaaluhu ku wada shaqeynin hal meel, isaga oo sidoo kale ka mahadceliyey martigelinta Wasaaradda Warfaafinta ee muddadaas dheer.

“Guuritaanka rasmiga ah ee madaxda wasaaradda iyo xiritaanka xafiisyadii kale waxay muujinayaan sida ay nooga go’an tahay inaan dalkeena iyo dadkeena u adeegno. Waxaan aaminsanahay inaan shaqo wanaagsan la qaban karin haddii maamulka sare iyo shaqaaluhu aysan isku meel ku shaqeyneynin, waayo ma jiri karaan wada-shaqeyn iyo isla-xisaabtan” ayuu hadalkiisii ku soo gabagabeeyay wasiirka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM