Khayre oo dib ugu laabtay Muqdisho xili Farmaajo u dhoofay Russia

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa dib ugu soo laabtay Muqdisho, kadib markii uu Washington uga qayb galay shirarkii sannadlaha ahaa ee bangiga adduunka iyo sanduuqa lacagta adduunka.

Intii Ra'iisul Wasaaruhu joogay Washington, waxuu ka qayb galay shirka miiska wareegsan ee looga hadlay arrimaha deyn cafinta dalka, waxuuna ka jeediyay khudbad uu uga hadlayo guulaha ilaa hadda la gaaray, waxyaaba ka harsan gaaridda barta go’aanka ee 2020, iyo baahida loo qabo in si wadajir ah looga shaqeeyo ka mira dhalinta dadaalka waqtiga dheer soo socday ee Soomaaliya daynta looga nadiifinayo.

Ka qayb galayashii shirka Miiska wareegsan oo qiray in dowladda Soomaaliya ay kasoo baxday shuruudihii ku xirnaa qorshaha deyn cafinta, ayaa bogaadiyay ka go’aanshaha wadajirka ah ee shacakba iyo dowladda Soomaaliyeed waxa ayna ballan qaadeen in ay gacan ka geysanayaan dadaallada dalka deynta looga cafinayo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulamo gaar ah la qaatay madaxweynaha bangiga adduunka, agaasimaha maamulka IMF, wasiirrada maaliyadda Netherlands, Talyaaniga iyo Norway iyo wasiirka horumarinta iskaashiga dowladda Denmark, xoghayaha horumarinta caalamiga ah ee Ingiriiska iyo mas'uuliyiin ka tirsan waaxda lacagta Mareykanka.

Ka qayb galka shirarka sannadlaha ah ee IMF iyo bangiga adduunka ayaa muhiim u ahaa dowladda Soomaaliya oo si buuxda uga soo baxday dhammaan shuruudihii deyn cafinta ee SMP1, SMP2, iyo SMP3, meel gebabeba ah marsiineysa SMP4.

Madaxweyne Farmaajo ayaa u dhoofay Ruushka, halkaas oo uu kaga qeybgeli doono Madasha Iskaashiga Russia iyo Afrika, halkaas oo ay kasoo muuqan doonan hogaamiyeyaal kala duwan.

Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha + GO

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM