Khayre oo la kulmay ninka ugu awoodda badan Sacuudiga

Image

Riyadh, October 11, 2018 —
 Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Xasan Cali Khaye, oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Sucuudiga ayaa la kulmay dhaxal-sugaha Boqortooyada Sucuudi Carabiya, Mohammed bin Salman bin Abdulaziz.

Kulanka oo ka dhacay qasriga Boqortooyada ayey ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre iyo dhaxal-suge Mohammed bin Salman bin Abdulaziz uga wada hadleen danaha labada qaran.

Ra’iisul wasaaraha XFS ayaa Boqortooyada uga mahadceliyay soo dhawaynta ballaaran ee loo sameeyay wafdiga uu hoggaaminayo iyo isgarab istaagga Sucuudiga ee shacabka iyo dawladda Soomaaliyeed.

Dhaxal-sugaha Boqortooyada Mohammed bin Salman bin Abdulaziz ayaa dhankiisa bogaadiyay horumarka ay Soomaaliya ka gaartay maamul wanaagga, Siyaasadda, dhaqaaalaha iyo amniga, waxa uuna ballan qaaday in Sucuudigu ay sii wadayaan taageerrida dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, (XFS) mudane Xasan Cali Khayre, ayaa shalay qasriga boqortooyada kula kulmay boqorka dalka Sucuudiga, Boqor Salman bin Abdulaziz Al Saud oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Sucuudiga, iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasaddaa.

—DHAMMAAD—-

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM