Madaxweynaha Somalia oo shir gudoomiyay Shir ka dhacay Muqdisho [Sawirro]

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Somalia - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo), ayaa maanta guddoomiyay shirka Todobaadlaha ah ee Tubta amniga iyo Caddaaladda oo looga hadlay dardar-gelinta howlaha iyo halbeegyada hay’adaha iyo wasaarahada ku midaysan tubta ee la xariira sugidda amniga iyo horumarinta caddaaladda dalka.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, wasiirro, taliyaasha ciidanka qalabka sida, hey’adaha amniga gobalka ayaa ka qayb galay kulanka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa u sheegay dhammaan hay”adaha iyo wasaaraha halbeegyada ku leh tubta in lagula xisaabtamayo fulinta halbeegyadii ay kula heshiiyeen ra’iisul wasaare Khayre in ay ku dhammaystirayaan sannadkaan 2019.

Tubta amniga iyo cadaaladda oo kamid ah afarta tubood ee qaranka ee lagu saleeyay barnaamijka xukuumadda ayaa halbeegyadeeda ugu waawayn waxaa kamid ah dhamaystirka qorshaha kala guurka ee ciidanka Qarnaku ay kula wareegayaan amniga dalka iyo hagaajinta hannaanka caddaaladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM