PFG oo soo dhaweysay Go'aankii Golaha Wakiiladda Puntland

Image

Maanta oo taariikhdu tahay 15-ka August 2018, Puntland Focus Group waxay soo dhoweyneysaa isla markaasna taageersan tahay:

1. Go'aankii Golaha Wakiiladda Puntland ee 14kii August, 2018, kaas ku saabsanaa doorashada Puntland. Go’aankaas ayaa Golaha Wakiiladda Puntland ku caddeeyeen in Doorashada Madaxweynaha Dawladda Puntland & Ku-xigeenkiisa ay dhacidoonto 8da Janaayo 2019, kan Guddoonka Golaha Wakiiladduna uu dhicidoono 4ta Janaayo 2019.

2. In Golaha Wakiiladda Puntland ee hada jira uu sii shaqeeyo illaa la soo dhameeyo Barlamaankii lagu bedeli lahaa, oo soo dhammaan doona 30ka December 2018.

3. In lifaaqii 3aad ee Dastuurka dib loo cusbooneysiiyo, kaasoo caddeynaaya in doorashada 2019 ay ku noqoneyso nidaamkii charterka ee Gobollada ku dhisnaa, oo aan loo gudbi karin habka axsaabta badan oo waqtigiisii hada dhammaadey.

4. In Guddigii Doorashooyinka Ku-Meel-Gaarka ahaa ee Puntland uu sii shaqeeyo maadaama uu u xilsaaran yahay doorashayoonka golayaasha degaanka, wax shaqo ahna uusan ku laheyn doorashada Madaxweynaha, Madaxweyne Ku-xigeenka iyo Guddoonka Golaha Wakiiladda ee 2019ka, sida uu qabo sharcigii lagu dhisey, sidaas darteed qoddobka kala-diristooda la laayey.

Xubnaha Puntland Focus Group:

Cabdi Faarax Saciid (Juxaa)
Cabdirisaaq Cabdulahi Jaamac (Janagale)
Cali Xaaji Warsame
Faarax Cali Shire
Jamiila Saciid Muuse
Xaji Maxamed Yaasin Ismaaciil
Ciise Maxamud Faarax (Dhollowaa)
Khalif Ciise Mudan
Maxamud Axmad Xasan (Dhagaweyne)
Saciid Cabdullahi Deni
Dr Maxamed Salaad Qoryooley.

                                                   Warar dheeraad ah la xiriir;

Ciise Maxamud Faarax (Dhollowaa), Afhayeenka Puntland Focus Group,

Email: dhollowaa2013@gmail.com

Telka Gacanta: +61416547736

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM