Ra'iisul Wasaaraha oo la kulmay Guddoomiyaha Barlamanka Djibouti

Image

Djibouti, Khamiis 12 March 2015 – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo maanta booqday xarunta cusub ee Baarlamanka Djibouti ayaa kulan la qaatay Gudoomiyaha Cusub ee Baarlamanka dalka Djibouti Mudane, Maxamed Cali Xumad iyo qaar ka tirsan mudanayaasha Baarlamanka isagoo kala hadlay xiriirka labada dawladood ee walaalaha ah iyo gaar ahaan wada shaqaynta xoogan ee ka dhaxaysa labada baarlamaan ee Soomaaliya iyo Djibouti.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ugu hambalyeeyay Gudoomiyaha Cusub ee dalka Djibouti,Mudane Maxamed Cali Xumad xilka loo magacaabay. Ra’iisul Wasaaraha ayaa mar kale ku celiyay in uu uga tacsiyaynayo Dawladda iyo Shacabka Djibouti geeridii ku timid Allaha u naxariistee Marxuum Idriss Arnaoud Ali, Gudoomiyihii hore ee Baarlamanka dalka Djibouti.

Ra'iisul Wasaare Cumar cabdirashiid waxaa uu yiri:  

“Farxad ayay ii tahay maanta in aan soo booqdo dhismaha cusub ee Baarlamanka dalka Djibouti ee aan walaalaha nahay. Waxaa jira guddiyo baarlamaan oo ka tirsan labada dal, kuwaasi oo si xoogan uga shaqeeya in wada-shaqayn buuxda ay yeeshaan mudanayaasha baarlamanka isla markaana ay is-dhaafsadaan aqoonta iyo khibrado loogu adeegayo shacabka labada dal.

“Waxaan uga mahadcelinayaa Baarlamanka iyo Shacabka Djibouti taageerada ciidan ee ay u fidiyeen dalka Soomaaliya. Dawladda iyo Shacabka Djibouti waxaa mar walba ay la garab taagnaayeen Soomaaliya taageero hiil iyo hooba leh tan iyo shirkii dib-u-heshiisiinta carta ee dawladda Djibouti ay martigalisay, waana sii xoojin doonnaa xiriirka iyo iskaashiyada u dhaxeeya labada dal.”.

—DHAMAAD—

Ridwaan Haji Abdiwali 
Afhayeenka Xukuumadda, 
Djibouti, Djibouti
Viber: 00252616969105
E-mail: media@opm.gov.so 
Twitter: @SomaliPM

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM